BaydhaboBaydhabo (ANN) Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, ayaa noqoto goob lagu ugaadhsado, laguna khaarajiyo culimada Diinta ee Soomaaliya, kadib markii magaaladaas lagu dilay Sheekh Aadan Macallin Cabdullaahi (War’iisho) habeenkii Jimcaha ee toddobaadkan.
Koox dablay hubaysan ah ayaa la sheegay inay toogasho ku dileen marxuum Sheekh Aadan Macallin oo ay ku weerareen hoygiisa magaalada Baydhabo, iyadoo aan weli gacanta lagu dhigin cida ka dambaysa dilalka culimada laga yaqaan Gobolka Bay ee Soomaaliya.
Dadka degaanka, ayaa sheegay in sheekha la dilay ahaa iimaanka masjid weyn oo ku yaal Baydhabo, kana tirsanaa culimada dariiqada suufiyada ee Ahlu-sunah Wal-jamaaca, halkaasoo kooxda dablayda ah ka baxsadeen markii ay khaarijiyeen sheekha.
Ciidammada ammaanka, ayaa tilmaamay in dhawr qof loo qabqabtay dilka sheekh Aadan Macallin, balse si cad looma oga in dadka la xidhay wax lug ah ku leeyihiin dilkaas oo xaalad amni-darro ka dhaliyey degaannada Baydhabo.
Marxuum Sheekh Aadan Macallin Cabdullaahi (War’iisho) ayaa noqonaya sheekhii Afaraad ee lagu dilo magaalada Baydhabo toddobaadyo gudahood xilli habeen ah, lamana oga illaa hadda sababta loo laayey Culimadaa diinta bartay ee deeganka sida weyn looga ixtiraami jiray, iyadoo aanay jirin cid si rasmi ah u sheegtay masuuliyada dilkaas, waxaanay Magaalada Baydhabo u muuqataa mid hoy u ah falalka lagu khaarajiyo culimada diinta, iyadoo aanay jrin cid arrintaas wax ka qabatayna.
Dhinaca kale, nin rayid ah ayaa magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose lagu dilay habeenkii Jimcaha, arrintaa oo sababtay in ciidanka dowladda Soomaaliya bilaabeen hawlgalo lagu sugayo ammaanka, laguna baadi-goobayo dadka ka dambeeyey dilka qofka rayidka ah.
Dad goob-joogayaal ah, ayaa saxaafadda u sheegay in howlgalada ciidanku sameeyey lagu qabqabtay dad aan tiradooda la ogayn oo la tuhunsan yahay inay falal ammaan-darro ka wadeen magaalada xeebta ah ee Marka, iyadoo kooxda dilka gaysatay baxsatay.
Ninka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Kullane ayaa warar aan la xaqiijin sheegeen inuu so hoose ula shaqeyn jiray ciidammada AMISOM ee magaaladaas ku sugan.
Qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ee ururka Al-shabaab fuliyo ayaa ku batay maagaalada Marka, kuwaas oo qaarkood lala eegtay gaadiidka ay wataan ciidammada AMISOM oo iyana weerarada lagu soo qaado ka bixiyo jawaabo adag oo inta badan waxyeelo loogu geysto dad aan waxba galabsan.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com