Araweelo News Network

London(ANN)- Warbaahinta guunka ah ee BBC, ayaa markii ugu horreysay soo bandhigtay liiska xubnaha ugu mushaharka badan shaqaalaheeda oo guud ahaan gaadhaya kumanaan qof.
Warbixin mareegta laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da lagu daabacay, ayaa lagu sheegay in Mr. Chris Evans uu ugu sare maray liiska dadka lacagta ugu badan ka qaata warbaahinta BBC, kaas oo shaqaystay adduun u dhexeeya £2.2 malyan iyo £2.25 malyan oo giniga Ingiriiska ah sannadkii 2016/2017, halka gabadha ugu mushaharka badan dumarkuna noqotay Claudia Winkleman oo qaadatay lacag u dhexaysa £450,000 iyo £500,000 gini.
Qiyaastii 3 meelood oo laba da’da qaata lacag ka badan £150,000 gini ayaa rag ah, marka la barbar dhigo dumarka oo 3/1 noqonaya.
“Waa in wax badan laga qabtaa sinnaan la’aanta ragga iyo dumarka iyo kala duwanaanshaha shaqaale-weynaha BBC-da….Horumar waan samaynay, laakiin waa in aan aqoonsannaa in ay tahay in wax badan la qabto, waxaanan si dhaqso leh hore ugu sii riixaynaa si ka duwan sida hay’adaha kale ee warbaahinta.” Sidaa waxa yidhi Agaasimaha Guud ee BBC-da Mr. Tony Hall oo ka hadlay xaflad lagaga dhawaaqay xubnaha shaqaalahooda qaata mushaharka ugu badan.
Warbixin-sannadeed BBC-du soo saartay oo lagu soo bandhigay heerka kala-sarraynta mushaharka shaqaalahooda kala duwan, waxa kaloo lagu sheegay; “Farqi weyn ayaa sidoo kale ku jira mushaharka ay qaataan dadka xiddigaha ah ee caddaanka ah iyo kuwa ka soo jeeda madowga, Aasiyaanka iyo dadka kale ee midab ahaan laga tirada badan yahay.
George Alagiah, Jason Mohammad iyo Trevor Nelson ayaa dadkaas ugu sarreeya, lacagta ay helaanna u dhexeyso £250,000 iyo £300,000 gini. Gabdhaha waxa ugu sarraysa Mishal Husain oo qaadata dhaqaale u dhexeeya £200,000 iyo £250,000 gini.”
Waa markii ugu horraysay ee xiddigaha caanka ah ee BBC-da mushaharkooda la baahiyo, gaar ahaan kuwa qaata lacag ka badan £150,000 giniga Ingiriiska.
Sida warbixintu xustay, in shaaca laga qaado waxa dalbanaya xeerka cusub ee BBC, waxana uu qabanayaa oo lacagtooda la kashifayaa 96 qof oo ah kuwa ugu mushaharka badan.
Warbixin-sannadeedka ayaa xambaarsan macluumaadka mushaharka si koox-koox ah, taasoo aan bannaanka soo dhigayn lacagta saxda ah ee qofku qaato. Waxa kaloo aan ku jirin xiddigaha lacagtooda ka hela BBC Worldwide oo ah qaybta ganacsiga ee BBC-da.
“Lacagta la soo xigtay ayaa ah mid ka timaad khidmadda ruqsadaha oo keliya, waxana ka maqan dhaqaalaha dadkaasi ka helaan warbaahinnada kale ama dhaqdhaqaaqyada ganacsi. Waxa kale oo aan ku jirin lacagaha xiddigahaasi ka macaashaan hay’adaha barnaamijyada soo saara ee madaxabannaan,” ayaa lagu yidhi warbixinta.
Hase yeeshee. liiska cusub ma kala saarayo dadka BBC-da jooga ee shaqooyinka kalena haysta iyo kuwa iyada oo keliya ka shaqeeya.
Waxa kaloo tirooyinka la soo bandhigay muujinayaan in aanay is le’ekayn lacagaha ay qaataan dadka isku barnaamij ka shaqeeya, sida xaakimiinta barnaamijka Strictly come dancing.
“Madaxda xaakimiinta Len Goodman iyo Bruno Tonioli waxay ku jiraan kooxda qaata £200,000 – £250,000 gini, halka Craig Revel Horwood iyo Darcey Bussell ay ka mid yihiin kooxda qaadata £150,000 iyo £200,000.
Caudia Winkleman oo ah gabadh barnaamijka wax ka soo jeedisa, waxayna qaadataa lacag u dhexaysa £450,000 – £500,000 gini, halka gabadha ay isla soo jeediyaan ee Tess Daly la siiyo mushaha intaa ka yar oo ah £350,000 – £400,000 gini.”
BBC-da ayaa imninka ah hay’adda kaliya ee warbaahineed ee shaacisay lacagaha ay qaataan dadka caanka ah ee ka shaqeeya raadiyaha iyo TV-ga, balse marka la eego dhanka ganacsiga lacagaha la qaato intaa aad bay uga badan yihiin sida warbixintu tilmaantay.