Laascaanood (ANN)- Ambassador Axmed Maxamed Saalah oo si dhow ula socda siyaasadda beesha caalamka ee ku waajahan Soomaalya iyo gobolka Geeska Afrika ayaa sheegay in aan Arrimaha Somalia waxba lags weydiinayn Madaxweynaha dawladda Federaalka ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Sidoo kale. Wuxuu Hoggaamiyaha maaamulka gobolka Sool ee Laascaanood oi dhowaan la baxay Waqooyi Bari Cabduqaadir Firdhiye ku eeddayay inuu yahay nin waxba ka fahamsanayn siyaasadda gobolka iyo is-bedelada ka socda.
” Firdhiye iyo kuwa la socda ee aad doorteen waxba kama fahmayaan siyaasadda gobolka , waxay moodayaan in sidii 1970 iyo 1980 ee wax walba ku xidhnaayeen Muqdosho” mana aha arrimuhu sidaa ayuu yidhi, Ambassador Ahmed Salah
Ambassador Salah oo ka mid ah dadka sida dhow ula socda siyaasadda Somalia iyo qorshayaasha quwaddaha waaweyn ee danaynaya Arrimaha Soomaalida wuxuu Sharaxay qorshayaasha iyo waxa lagaga hadlay shir ka dhacay Kismaayo.
Wuxuu Ambassador Salah sheegay in Somalia loo qaybinayo dhawr gobol, taas oo meesha ka saaray maamulka ay dhowaan ku dhawaaqeen dadka reer Laascaanood ee uu isagu Ambassador Salah kasoo jeeda oo sida uu sheegay lagu darayo Somaliland oo ay hore uga tirsanaayeen, isagoo xusay in aan Cabduqaadir Firdhiye iyo Xasan Sheekh waxba laga weydiinayn.
Muuqaalka hoose ka dhegayso Ambassador Ahmed Mohamed Salah oo arrimahaa sharaxaya.


