XirsiHargeysa(ANN)Wadahadalada Somaliland iyo Somalia, ayaa mar kale dib uga bilaabmay dalka Turkiga. Kadib markii labada dhinac dib u dhac weyn ka yimi qorshaha wadahadaladaa oo marayay wejigii Afraad, isla markaana beesha caalamku dabada ka riixaysay.
Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Hasan, ayaa Jimcihii u anabaxay Caasimada Dalka Turkiga ee Ankara, wuxuuna mar uu warbaahinta u sheegay in socdaalkiisu qayb ka yahay ka qayb galka wadahadalo hor dhac u ah wejiyadii looga gudbi lahaa qorshihii wadahadalka oo dhawr jeer dibh u dhac ku yimi xiliyadii loo balamay ee hore.
Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, wuxuu sheegay in Isaga iyo wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis oo ku sugan Dalka Turkiga ayaa dhinaca Xukuumadda Somaliland u metelayaan wadahadalka, iyadoo dhinaca kale ee Xukuumadda Somalia ay ka imanayaan laba xubnood.