Araweelo News Network.

 

 

 

Hargeysa(ANN)-Taliska Booliska #Somaliland, ayaa ka hadlay dil ka dhacay Magaalada Hargeysa oo lagu khaarajiyay Haweenay, isla markaana waxay caddeeyeen in marxuumka fuliyay dilka ay gacanta ku dhigeen.

 

Afhayeenka Booliska Somaliland, isla markaana ah Taliyaha Qaybta Baadhista denbiyada ee CID, Gaashaanle sarre Faysal Xiis, ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabka uu dilkaasi u dhacay iyo halka uu ka dhacay.

Dhacdada dilkan ee ay Boolisku shaaciyeen, ayaa kusoo beegantay, iyadoo mudooyinkii u danbeeyay ay Somaliland kusoo badanayaan dilalka lagu khaarajinayo haweenka iyo weliba kufsiga, kuwaas oo qaabka ay dhacayaan ku cusub yihiin Somaliland sannadihii u danbeeyay, isla markaana soo badanaya.

Gaashaanle sarre Faysal Xiis oo ka hadlaya qaabka dilku u dhacay ka Daawo Halkan.