Araweelo News Network

 

Prime Minister Abiy meets President Afwerki in Asmara Photo Al Jaziira

Asmara(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Ethiopia Dr. Abiy Ahmed iyo Wefdi uu Hoggaaminayo, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Caasimada Dalka Eritrea ee Asmara.

 

Madaxweynaha Dalka Eriterea Isaias Afwerki oo ay weheliyaan xubno ka tirsan xukuumaddiisa , ayaa Wefdiga dawladda Ethiopia si diirran ugu soo dhaweeyay garoonka Asmara, waxaana Ra’iisal wasaaraha cusub ee Ethiopia Abiy Ahmed iyo wefdigiisa loo gelbiyay qasriga Madaxtooyada Asmara, iyadoo kumanaan shacabka Dalka oo Wadooyinka tubanaa caleemo qoyan u ruxayaan si ay ugu muujjiyaan shucuurta  dareenkooda ee go’aanka dhabaha nabada iyo soo celinta  derisnimada labada dal.

 

Labada hoggaamiye ee dalaka Eritrea iyo Ethiopia waxay maanta yeesheen kulan taariikhi ah oo ka dhacay magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea, waxayna muujiyeen sida. ay labadooda uga go’antahay inl lasoo afjaro colaada dhiiga badan ku daatay ee mudada dheer u dhaxaysay labada dal oo ku muransanaa xadka, taas oo ku dhowaad boqol kun oo qof ku dhinteen. Markii dagaal sannado socaday ku dhex maray deegaanka Baadhame.

 

Kulaka hoggaamiyaasha Ethiopia iyo Eritrea ku dhexmaray magaalada Asmara, ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo si fool-ka-fool ah ay isugu hor fadhistaan labada Hoggaamiye  oo labada dal ee Ethiopia iyo Eretria tan iyo sannadki 2000, xiligaa oo ahayd markii ay Afwerki iyo Ra’isal wasaarihii hore ee Ethiopia Meles Zenawi wada saxeexeen heshiiskii Algeria ee lagu soo gaba gabeynayay dagaalka labada dal ee mudada dhawrka sanadood ah socday, balse Ethiopia ayaa xiligaa diiday fulinta go’aankii xudunta muranka.

 

Dr. Abiy Ahmed ayaa tan iyo marki loo magacaabay xilka ra’iisal wasaare ee Dalka Ethiopia April 2018  wuxuu qaaday tallaabooyin siyaasadeed oo aan hore looga baran Siyaasada Ethiopia, isagoo si cad u sheegay inuu wax ka bedelayo siyaasadda gudaha iyo dibadda ee dalkiisa, waxaana tallaabooyinka uu qaaday ee lama filaan ah ugu Waaweyn qorshihiisa uu kusoo afjarayo colaada u dhaxaysay Dalka ay jaarka yihiin ee Eriterea ee uu booqday maanta, iyadoo ay Eritrea oo baaqaaiisa nabadeed ka jawaabay todobaadkii hore usoo dirtay Addis Ababa wefdi ka tirsan xukuumadda Asmara.

 

Dalka  Eritrea, wuxuu xorriyadiisa ka qaadatay  Ethiopia sannadkii 1993-kii ka dib 30 sannadood oo dagaal ay kul jirtay dawladdii dhergiga  oo ay Dalka ka qabseen jabhadii Ethiopia ee TPLF oo ay iskaashi lahaayeen jabhadii Eriterea, balse shan sanadood ka dib ayaa dagaal ka qarxay xadka labada dal u dhexeeyaa, iyagoo xiligaa isku maandhaafay dhulka dhaca xadka ay wadaagaan oo dhiig badan ku daatay, Isla markaana cadaawad xun ka dhex abuurtay labada dal oo wadaaga wax badan.