boqashada jamhuriya

Hargeysa (ANN/Jam)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa booqasho taariikhi ah ku tegay xarunta wargeyska JAMHUURIYA ee magaalada Hargeysa shalay, isagoo sidoo kale kormeeray TV-ga Qaranka, Radio Hargeysa iyo wargeyska Dawan oo ah warbaahinta dawladdu maamusho.

Booqashada Madaxweyne Siilaanyo ku tegay xarunta Jamhuuriya oo ah wargeyska ugu da’da weyn saxaafadda qoran ee dalka, ayaa noqonaysa booqashadii ugu horreysay ee Madaxweyne Somaliland ah ku tago xarun hay’ad warbaahineed oo madaxbannaan 23 sannadood oo Jamhuuriyadda Somaliland madaxbannaanideeda haysatay, iyadoo ay madaxweynaha si diiran u qaabileen maareeyaha guud ee Jamhuuriya Media Group Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil, Tifaftiraha wargeyska Jamhuuriya Mr. Maxamed Cumar Cabdi (Cirro) iyo hawlwadeennada kala duwan ee wargeyska ka hawlgala.

Madaxweynaha oo ay wehelinayeen Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali X. Xasan, wasiirka iyo ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta – Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdulqaadir, Taliyaha Ciidanka Booliska, Xogyahayaha Guud ee xisbiga KULMIYE, kana mid ah mulkiileyaasha wargeyska Jamhuuriya Mr. Xasan Siciid Yuusuf, Afhayeenka Madaxweynaha iyo saraakiil kale oo ka tirsan Madaxtooyada, waxa uu qolka wax-soo-saarka ee Jamhuuriya warbixin kaga dhegaystay Maareeyaha Jamhuuriya Media Group Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil oo tafaasiil ka bixiyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray wargeyska oo uu sheegay inuu yahay horseedka saxaafadda casriga ah ee Somaliland, gaar ahaan warbaahinta qoran.
“Madaxweyne, waxaannu kugu soo dhawaynaynaa xarunta Jamhuuriya Media Group ee wargeysyada Jamhuuriya iyo The Republican oo aannu aad ugu faraxsanahay in aad noogu timaad, iyadoo ay maanta tahay xuska maalinta saxaafadda Somaliland ee 9 November, sidoo kalena ku beegan xuska maalintii uu geeriyooday allaah ha u naxariistee marxuum Maxamuud Cabdi Shide oo ahaa aasaasihii saxaafadda casriga ah ee Somaliland, kaasoo casriyeynta iyo horumarka wargeyska Jamhuuriya si xoogan uga shaqeeyey.
Madaxweyne, wargeyska Jamhuuriya waa hooyada iyo aabaha saxaafadda Somaliland ugu taariikhda dheer, uguna da’da weyn, iyadoo ay muhiim tahay in la sheego in wargeysyada hadda ka soo baxa Somaliland badankooda ay aasaaseen ama iska leeyihiin suxufiyiin ka aflaxay, kana mid ahaan jiray bahda Jamhuuriya Media Group. Markaa wargeysku taariikh dheer oo aan la soo koobi karin ayuu leeyahay, marxaladu kala duwana wuu soo maray, wuxuuna ku shaqeeyaa si xirfad sare leh,” ayuu yidhi Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil.

Mr. Cabdixakiim Maxamed Sheekh oo ah Tifaftiraha wargeyska Jamhuuriya Times oo muddo dheer ka soo bixi jiray magaalada London ee dalka Ingiriiska, haddana hakad kooban ku yimi, ayaa isaguna madaxweynaha uga warbixiyey taariikhda wargeyska Jamhuuriya iyo doorka saxaafadda xorta ah ee Somaliland, iyadoo madaxweynaha warbixin laga siiyey qaybaha kala duwan ee wargeyska Jamhuuriya, sidoo kalena la tusay kildhi laba af leh oo astaan u ah kartuunka wargeyska Jamhuuriya caanka ku yahay ee DHANXIIR, kildhigaas yar oo si farshaxan sare leh loo farsameeyey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo erayo kooban halkaas ka sheegay, ayaa si ballaadhan ugu mahadnaqay bahda Jamhuuruiya Media Group ee ku qaabilay xaruntooda Hargeysa, isagoo xusay inuu aad ugu faraxsanahay inuu gudaha u galo xarunta wargeyska Jamhuuriya oo uu tilmaamay inuu taariikh dheer ku leeyahay Somaliland.
Dhinaca kale, waxa madaxweynuhu kormeer ku maray xarunta Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo ay ku yaalaan telefishanka qaranka iyo idaacadda Radio Hargeysa, iyo sidoo kale xarunta wargeyska dawladda ee Dawan oo ku dhex yaal gudaha madbacada qaranka.
Wasiirka Warfaafinta Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa madaxweynaha warbixin ka siiyey qaybaha kala duwan ee Telefishanka Qaranka iyo Radio Hargeysa oo uu tilmaamay in xukuumadda madaxweyne Siilaanyo si xooggan u horumarisay.
“Madaxweynuhu waxa uu inoo soo booqday laba arrimood, mar waa isagoo ka war helaya xaalada wasaaradda warfaafinta iyo xaaladaha shaqaalaha, marka labaadna maadaama ay maanta (shalay) tahay maalintii saxaafadda Somaliland waxa madaxweynuhu innagu bogaadinayaa munaasibadaas iyo xuska maalinta saxaafadda, wuxuuna dardaar u jeedin doonaa saxaafadda,” ayuu yidhi wasiir Cukuse, isagoo intaas ku daray hadal kaftan ah oo la xidhiidha sida uu ku dhammaaday khilaaf muddo dheer u dhexeeyey maamulka TV-ga Qaranka iyo Wasiirka Warfaafinta, waxa uu yidhi; “Madaxweyne, wasaaradda warfaafinta waxa aad ku taqaanay oo ku ogayd woxogaa tashuush ah, markaa tashuushkaasi hadda wuu ka baxay intii la furay idaacadda qur’aanka kariimka ah.”
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa isaguna ka hadlay muhiimadda saxaafaddu u leedahay dawladnimada iyo horumarka ummadda, isagoo munaasibadda maalinta xuska saxaafadda ku hambalyeeyey dhammaanba qaybaha kala duwan ee suxufiyiinta, weriyeyaasha iyo hay’adaha kala duwan ee warbaahinta Somaliland.

“Maalinta saxaafadda Somaliland, waxa aan halkan hambalyo aad u ballaadhan u diro saxaafadda Somaliland meel ay joogaanba. Saxaafaddu aad ayey muhiim u tahay, waana waax weyn oo ka mid ah hawlaha qaranka, waana wax la wada ogsoon yahay doorka saxaafadda iyo hawlaha ay qabato, saxaafadduna waa waxa ummadda wax lagu gaadhsiiyo, waana waxa innooga warama dunida ee aynu kula socono caalamka, waana waxa wax lagu ogaado ee dadkana wax lagu gaadhsiiyo,” ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.
Waxa kaloo uu ka hadlay dhitaabooyinka ay saxaafaddu gaysan karto marka sida xun loo adeegsado, waxaannu yidhi; “Saxaafaddu weji kalena way leedahay, dhibaato badana wey gaysan kartaa, wanaag badana way tari kartaa, waxaanan Ilaahay ka baryayaa in saxaafadeennu noqoto mid ummadda iyo dalkaba wax u tarta ee wax laga faa’iido, waxna u kordhisa. Marka saxaafaddu wax saxayso ama wax toosinayo waa wax fiican, waana in khaladaadka dawladda la sheego, waxqabadka iyo waxa dawladdu ku wanaagsan tahayna la sheego, wixii kale ee talo u baahana waa in la sheego, laakiin wixii dhibaato iyo xumaan keenaya in aynu iska ilaalino ay dan iyo nololba innoogu jirtaa, waxaanan saxaafadda leeyahay xil ayaa ina wada saaran, dhinacayaga waannu ka soo baxaynaa ee idinkuna dhinaciina ka soo baxa.”

Booqashada madaxweyne Siilaanyo ku tagay xarunta Wargeyska Jamhuuriya ee magaalada Hargeysa iyo kormeerka kale ee uu ku maray warbaahinta dawladda ee TV-ga qaranka, Radio Hargeysa iyo wargeyska Dawan, ayaa qayb ka ah ka qaybgalka madaxweynaha ee xuska maalinta saxaafadda Somaliland oo si weyn looga xusay magaalada Hargeysa shalay.

Warbixintaa Waxa Ka Diyaariyay Booqashada Madaxweynaha ee Xarunta Wargeyska Jamhuuriya Bahda Wargeyska.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com