Exif_JPEG_422Boorama(ANN) Maamulka gobolka Awdal iyo madaxdhaqameedka gobolka, ayaa ka wadahadlay waxa laga yeelayo kooxda suldaanka nabad-diidka Suldaan Wabar la galay buuraha ku yaal xuduudka Somaliland iyo Itoobiya.
Kulan uu soo abaabulay maamulka Gobolka Awdal, kaas ay ka qaybgaleen salaadiinta, cushaaqa, xildhibaanno, saraakiisha ciidammada kala duwan iyo madaxda degmada Boorama, waxa lagu falanqeeyey adkaynta nabadgalyada oo si gaar ah farta loogu fiiqay in dadweynaha reer Awdal meel uga soo wada jeestaan kooxda Suldaan Wabar, isla markaana laga wadashaqeeyo sidii loo ilaalin lahaa xasiloonida.
Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo ka mid ah salaadiin hadallo ka jeediyey madashaasi, ayaa ugu baaqay shacabka Awdal inay ka badheedhaan mowqifkooda kooxda nabad-diidka ah, “Gadabuursiyow maanta waxa inoo yaal ama raac inamadaada halkaa qoriga sita ama inamadaadaa isaga jihee oo u tag oo nabadgalyadaada xasilli,” ayuu yidhi Suldaan Saleebaan.
Suldaan Xasan Xadi Baade, ayaa isagu soo jeediyey in cid la isla ogyahay oo fasax haysata loogu diri lahaa suldaanka qoriga qaatay, waxaannu yidhi, “Anigu waxaan idhi ninkaasi (Suldaanka fallaagoobay ee Wabar) xadka uu dhinaasi ka joogo cid fasax ka haysata Itoobiya ayuun baa tagi karta, hadday cidi tagayso dawladda Somaliland ayaa tagi karta, iminka fasax ha la raadiyo oo sidii loogu tagi lahaa falowgeed ha la qabto.”

Dhinaca kale, Xildhibaan Nuur Rayaale oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa sheegay in reer Awdal iyo madaxdhaqameedkooda looga baahan yahay inay caddeeyaan tallaabada ay ka qaadan karaan kooxda buuraha gashay, “Gadabuursi ma nihin ee dawlad baynu nahay Somaliland la yidhaa, dawladdaasi ayaa dhulka ka talisa, markaa haddii ay iyadu khaldanto waa in la saxaa oo la yidhaa joog, haddii aynu innagu khaldanahayna waa in aynu khaladkeenna saxnaa. Dawladdan Somaliland dugsigaa inoo muuqda ee Sheekh Cali ayaa lagu dhisay, maanta ciddii duminaysa waa inaynu nidhaa annaga ayaa keenayna ama waa in aynu dhinaa ma keeni karno, labadaa hadal uun baa yaal,” ayuu yidhi Md. Nuur Rayaale.
Ugu dambayntii, Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa sheegay inay madaxdhaqameedka is-faham ka gaadheen saddex qodob oo ka wadahadleen oo ay ka mid yihiin abaaraha iyo xaalufinta deegaanka.
Isagoo arrimahaasi ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Gorfayn badan kadib, waxaannu isla qaadanay in saddexda qodob oo marka horeba uu maamulka Gobolku soo jeediyey ay muhiim yihiin, kuwaas oo kala ah; Sidii nabagalyada looga wadashaqayn lahaa, abaarta soo foodsaartay gobolka sidii qaylo-dhaanna loo diri lahaa, loogana kala war qaadan lahaa iyo la-dagaallanka xaalufinta deegaanka oo ay ugu horreyso dhuxusha oo la sheegay in shirkado kuwii dhuxusha moofayn jiray ahi inay gobolka soo galeen, taasi oo aannu isla gaadhnay in laga hortago oo laga dagaallamo oo amar cadna aannu ka bixinay.”
“Odayaasha si wanaagsan ayaanu isku afgaranay, waxaannuna magacaabaynaa guddi ka kooban cuqaasha iyo salaadiinta oo arrimahan nagala shaqeeya,” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Guddoomiye Ramaax.
Araweelon News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews