Share this:

" />
Telesom Dahabshiil
Published On: Sun, Aug 9th, 2015

Boorama: Magaalo Muuqaalo Iyo Midabo Baddan: Warbixin Ka Hadlay Dhinacyo Baddan

 

Waa Sidee Xaallada Boorama: Warbixin Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist

IMG_20150720_102320

Wax walba way iska beddeleen sidii ay ahaayeen tobban sannadood ka hor, waxa is ballaadhisay magaalada oo dhinacyada galbeedka iyo bariga baallaha u kala bixisay, sidoo kale dhismayaal dhaadheer ayaa loo jiheeyay dhinaca Cirka, kuwaas oo laga binneeyay dhul hore u ahaa bannaan oo magaalada badhtankeeda ah iyo kuwo laga qotomiyay goobo laga dumiyay dhismayaasha qadiimka ahaa, waxayna arrimahaa iyo kuwo kale wax weyn ka beddeleen muuqaalka guud ee magaalada iyo bilicda oo marka loo eego sannado ka hor sidii ay ahayd Boorama.

Sidaa awgeed waxa suurta gal ah in qofka tobban sannadood ka hor, ama ka baddan aan arag Boorama ay layaab ku noqonayso horumarka la majeeran karo iyo is bedelka markiiba maskaxdaadu sawiratay, adigoo u eegaya sawiradii xusuustaada ku jiray sannado ka hor markaad dib usoo celiso.

IMG_20150720_101414
Maaha dhismayaasha dhaadheer ee cirka loo jiheeyay oo keliya ee waxa si weyn u muuqda in dhaqdhaqaaq ganacsi oo ka xarakaad baddan, isla markaana garaaf sare iyo xawaare ku socda oo tobban jibaar ka baddan kii tobban sannadood ka hor ka jiray magaalada.
Sidoo kale Boorama waxa laga dareemayaa korodhka bulshada, kaasoo qayb ka ah is bedelka jira oo saxmad ka dhigay suuqyada iyo gebi ahaanba Faras-maagaalaha oo dadka iyo Baabuurta ka sokow ay hafiyeen wadooyinka yar yar iyo kuwa waaweyn gaadiidka loo yaqaan Bajaajta, ama Tikta oo buuxiyay kaalintii gaadiidka bulshada ee Basaska iyo Taggaasida, kuwaas oo xaafadaha iyo suuqyada magaalada u kala socda, isla markaana maalinba maalinta ka danbaysa kusoo baddanaya Boorama, balse sabab u noqday shilal maalin walba waxyeelo kasoo gaadho bulshada.
Juquraafi ahaan magaaladu waxay ku taal Silsilada Buuraleyda golis ee dhinaca Woqooyi kaga teedsan Somaliland cidhifka galbeed iyo cidhifka bari ee bogcada ay ku fadhido Somaliland oo ka dhigtay meel istiraatiiji ah Khariirada ay dhacdo Somliland Dhul ahaan, Bad, Beri iyo dhinaca hawadda ee cirka.

IMG_20150720_112733
Sidaa awgeed magaalada Boorama oo ku taal dhul joogiisu sareeyo oo qayb ka ah Silsilada Buuraleyda golis, isla markaana ay ku xeeran yihiin Buuro ku wareegsan magaalada oo juquraafi ahaan iyo bilic ahaan muuqaal quruxoon u samaynaya iyo cimilada deegaanka oo xilliyada roobabka si gaar ah u yeesha bilic wanaagsan iyo muuqaal indhaha lala raacayo, waxaana suurta gal ah inay tahay sababta Abwaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) u lahaa, “Indhihii Basaasoow Boorama ma aragteen” taas oo sida loo fasrinkaro abwaanku ku sawirayay todobaanadii bogcad ahaan barta ay magaalada Boorama oo xiligaa aan ahayn magaalada aynu maanta ka sheekaynayo iyo mid u dhow toona.

IMG_20150720_112938
Duleedka magaalada ee dhinaca Koonfurta waxa ku yaal Buuraha ku xeerran, ama ku gudban magaalada, waxaana jirta goob jeedaal laga arko muuqaalka Iftiinka kaaha magaalada oo sheeda ka muuqanaya, taas oo ah laba buurood dhexdood oo kuu sawira sida adigoo daaqad kasoo daawanaya hummaaga magaalada, waxayna dadka reer Boorama u yaqaaniin Daaqada, balse waxa aniga muuqaalkaa sawirkii maskaxdaydu ka qaadatay u ekaysiiyay sawirka khariidada Somaliland, taasoo marka laga eego magaalada sheeda, ama jeedaal bidhaanteeda iyo iftiinka kaaha kuu muuqanaya ayaa u ekaanaya muuqaalka kharriidada Somaliland, laakiin waxa suurta gal ah in xilliyada aanay habeenka ahayn ee maalintii muuqaalka sawirka hummaaga wax iska beddelaan, ama bidhaanta magaaladu yeelanay sawir kale iyo middab kale, maadaama iftiinka habeenkii, laydhadhka kala gedisan iyo qaabka ay u dhisantahay magaaladu ka duwanaanayaan marka la joogo goobtaa daaqada maalintii.

 

IMG_20150720_101731
Inkasta oo wadada ee isku xidha magaalada Boorama iyo Kalabaydh inta baddan la dayactiray, weli waxa qabyo ah ilaa 20km oo u dhexeeya Dilla iyo Kalabaydh, taas oo hawsha dib u dhisku ka socday sababay inay gaadiidku maraan wadada laamiga ah ee burburtay qarkeeda oo raf ah.

IMG_20150720_101832
Deegaanka oo u baddan Beeralay waxa laga dareemayaa Abaar, iyadoo xilligan oo kale Beeruhu bixi jireen, balse Roobabka Gu’aga oo ku yaraa ayaa sababay in dallaga Beeraha oo door weyn ku lahaa Nolosha dadka iyo deegaanku noqdo mid waayay Roobabkii xilligan oo kale looga bartay ee nimcada iyo raxmaadka Alleh.
“Beeraha waxan ku xisaabtanaa Bilaha Amxaariga, Beeraha waxa la qodaa Bisha Maasiya, waana xilliga Beeraha laga qodo Ethiopia, sannadkana inkasta oo Roobabkii xilligaa la waayay oo ay muuqato Abaar, weli waan qodaynaa Beeraha oo qaarkood hadda ayaa abuurkii lagu ridayaa, waxaana sugaynaa Daruurta Alleh iyo raxmadiisa” sidaa waxa yidhi, Nin Beeraley ah oo magaciisa ku sheegay Xuseen Nuur, wuxuuna isagoo xaalada Abaarta ka hadlaya yidhi, “35 sannadood ayaan Beeraley ahaa intaan xusuusto waxay u muuqataa xilligii ay ugu xumayd ee nasoo mara haddaan nahay Beeraleyda Awdal”

IMG_20150720_101726
Xuseen Nuur, wuxuu sheegay in aanay quus ka taagnayn in Illaahay u shubo raxmaadkiisa, isla markaana ay xilligan Abuurka Heedda, Qamandiga iyo Shunburada shinidooda oo ku baxa saddex bilood iyo laba bilood ku ridayaan Beeraha si ay uga faa’idaystaan roobabka Dayrta ee deegaamadaa looga yaqaan Xagaayada oo uu sheegay inay rajo ka qabaan in Alleh u shubo.

IMG_20150720_102320
Sidoo kale Roobabka Gu’aga ee la waayay deegaanada galbeedka, gaar ahaan Boorama, ayaa sababay in laga dareemo markii u horaysay magaaladaa dhawr iyo tobbankii sannadood ee u danbeeyay Biyo yaraan, iyadoo magaalada Boorama lagu majeeran jiray inay safka hore kaga jirto magaalooyinka Somaliland ee Biyo ku fulin ay bulshada ku dhaqan heli jirtay, basle xilligan dadka reer Boorama ay aad u hadal hayeen Biyo yaraanta soo food saartay iyo kulayka cimilada oo gaadhay meel aanu gaadhin weligii sida ay dadka deegaanku u sheegayaan.
“Boorama waxa xilligan Biyuhu ku jiraan 10 300, (Toban Kun iyo saddex boqol oo guri), markii aanu la wareegnay sannadkii 2003, Biyaha qiyaastii 800 (Siddeed Boqol oo Guri) ayay ku jireen, labadii sannaba waxan kordhinaa oo biyaha la geliyaa ilaa 500, (Shan Boqol oo guri ). Sidoo kale markii aanu la wareegnay Shirakad ahaa Biyaha Ceelasha Biyuhu waxay ahaayeen 4 Ceel oo ay ku jiraan 4 Bam iyo 2 Mishiin oo yar yar, 11 sannadood kadib xilligana waxay marayaan 8 Ceel iyo 16 Mishiin oo Ceelkiiba Laba Mishiin dul yaalaan, iyadoo Afartii Ceel ee aanu la wareegnay mid gudhay, waxaan labadii sanaba kordhinaa Ceel, shaqaalaha hadda ka shaqeeyaa waa 60 qof, iyadoo aanay jirin cid arrintaa nagu taageertay Xukuumad iyo Hay’ad midna, marka laga reebo Hay’adda UNICEF ooh al Ceel naga caawisay, waad arki kartaa dedaalka iyo horumarka xagga Biyaha ee ay samaysay Shirkadda SHABA intii ay maamulaysay Biyaha Magaalada, waana shirkadii u horaysay ee Biyaha loo gacan geliyay oo hadda tusaale u ah magaalooyinka kale ee dalka” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cigge Faarax oo ah Guddoomiyaha Shirkadda Gacanta ku haysa Biyaha Magaaalada ee SHABA.

IMG_20150721_103837

Hase yeeshee wuxuu sheegay in Biyo yaraanta xiligan aanay ahayn mid ka timi wax soo saarkii oo yaraaday, balse ay sabab u yihiin dhawr arrimood oo sida uu sheegay ay kow ka yihiin Ceelasha Biyaha oo Biyihii fogaadeen, taas oo ay ugu wacantahay Abaarta ku habsatay deegaanka AWDAL oo aan helin raxmaadkii Gu’ga ee sanadkan iyo sidoo kale magaalada oo balaadhatay oo dhismayaal baddan ka socdaan iyo Bulshada magaalada oo sii kordhay marba marka ka danbaysa.

 

IMG_20150722_104436
Boorama, waxay hoy u noqotay waxbarashadda, waxaana ka jira Cubitaalo ilaa saddex ah oo kii ugu danbeeyay ee la furay uu ah Caafi Hospital, kaas oo ah mid gaar loo leeyahay oo todobaadyadii u danbeeyay laga furay magaalada, iyadoo ay hore u jireen marka laga yimaado Cubitaalka guud ee Magalada Boorama laba Cusbitaal oo gobolada dalka Somaliland iyo geyiga kale ee Soomaalidu degto looga yimaado.
Badhasaabka gobolka Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa dhaliilay maamulka Cusbitaalka dawlada, wuxuuna ku tilmaamay mid shaqadiisu dayacantay oo aan wanaagsanayn, balse maamulka Cusbitaalka Boorama ayaa beeniyay arrintaa, waxayna ku tilmaameen mid aan waxba ka jirin oo aan xaqiiq ahayn.
Inkasta oo magaalada Boorama ay ka jiraan saddex Jaamacadood, kuwaasoo saamayn ku yeeshay horumarka dhinaca waxbarashadda ee gobolka lagu majeerto, isla markaana wax weyn ka taray ilaha dhaqaalaha bulshada iyo ganacsiga, balse Jaamacadda ugu Caansan geyiga Soomaalidu degto ee Amoud University, ayaa noqotay midda sida weyn gobolka ugu soo jiiday sumcada dhinaca waxbarashadda, isla markaana tilmaan u noqotay in gobolka Awdal uu noqdo hoyga waxbarashada iyo Aqoonta, taas oo lagu ammaano Guddoomiyaha Jaamacadda Prof. Saleebaan oo ka dhigay Jaamacadda Amoud meel lagu soo hirto, isla markaana ay isu soo tilmaamaan dhalinyarada jecel waxbarashadda iyo inay helaan Jaamacad si dhab ah u taagan oo aan ahayn magac u yaal oo la tartamay Jaamacaddaha dunida hore u martay.
Amoud University waxay noqotay Jaamacadda keliya ee buuxisay awooddii iyo inkaaniyaadkii looga baahnaa jaamacad, taas oo ka dhigtay mid soo jiidata indhaha Bulshada geyiga Soomaalida oo dhan iyo xataa Soomaalida kale ee dalalka Khaliijka Carabta, sida ay ii sheegeen qaar ka mdi ah Ardayda dhigta qiyaastii Arday ku dhowaad 5,000 (shan kun oo Arday aan ka yarayn ayaa wax ka barata xiliigan, kuwaas oo marka laga tago dhulka Soomaalidu degto qaarkood ka yimaadeen dalalka Yurub, America, Afrika iyo Carabta, waxayna Jaamacadda Amoud University noqotay il dhaqaalle iyo Aqooneed oo magaalada Boorama si weyn u camirtay.
Maxamed Yuusuf Cali iyo Maxamed Cabdi Maxamuud, waxay ahaayeen lab wiil oo dhalinyaro ah oo ka mid ah Ardayda ku jira Jaamacadda Amoud, waxayna ka kala yimaadeen deegaamada Somaliland iyo Somalia, “Magaaladan 12 Habeenimo iyo 12 maalinimo waa isku mid, dadka reer Boorama waa dad soo dhowayn wanaagsan, qofka lama yidhaahdo xaggaad ka timi iyo yaa tahay, maaha magaalo qabyaadala taqaan, waana magaalo cid walba ku nooshahay. Labadayadu waxaan nahay Macalimiin xiliga Dugsiyada la xidho waxa Jaamacadda soo gala Macalimiinta Dugsiya, anagana kuwaas ayaan ka mid nahay, saaxiibkay wuxuu ka yimi gobolada dhexe ee Soomaaliya, aniguna waxaan ka imi gobolka Saaxil ee Berbera oo Somaliland gudeheeda ah, sidaa waxa yidhi, Maxamed Yuusuf Cali oo aan kula kulamy magaalada Boorama intii aan ku jiray socdaalkaa.

 

IMG_20150720_112823
Labadan Wii lee dhalinyarada ah waxay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin joogitaankooda Boorama iyo inay nasiib u yeeshaan inay Jaamacadda Amoud Univrsity wax ka bartaan, waxay tilmaameen sida ay magaaladda Boorama marba mark ka danbaysa u noqoyso mid uu horumar ka muuqdo, taas oo ay sabab uga dhigeen kow ka tahay Jaamacadda Amoud iyo dadka deegaanka oo soo dhoweeya cid walba oo waxbarasho u timaada Boorama.
“Boorama hadda waxay soo gaadhay magaalooyinka kale ee Somaliland, xagga maceeshada, waxay ahayd magaalo nolosheedu jabantahay, waxayna maalinba maalinta ka danbaysa sii camirmay magaaladu, iyadoo dhinaca dhismaha iyo ganacsigu kordhayo oo ay jiraan dad qurba-joog ah oo kusoo laabanaya, iyagoo ganacsi abuuraya, kuwaas oo qaarkood gobolada kale ee Somaliland ka yimaadeen, isla markaana ku aamnineen inay magaalada ka dhisaan dhismayaal waaweyn iyo Huteelo waaweyn oo lacag Boqolaal kun oo dolar ku baxeen, sida uu ii sheegay Maxamed Cabdi, wuxuuna tusaale usoo qaatay Huteelka Mulkiilaha Oslo Hotel oo ka dhisay halkaa mid ka mid ah Huteelada ugu waaweyn magaalada Boorama oo uu leeyahay muwaadin ku dhashay Boorama, balse kasoo jeeda asal ahaan gobolka Sanaag.

IMG_20150720_113026
Magaalada Boorama, waxay ka mid ahayd meelaha dhinaca Nolosha ugu jaban marka la eego magaalooyinka Somaliland, balse xilligan waxay noloshu noqotay mid aan waxba ka bedelayn magaalooyinka Somaliland, waxyana u muuqataa in sixir bararka inta baddan hadheeyay bulshada Caasimada Somaliland ee Hargeysa uu saamayn ku yeeshay, sidaa awgeed aanu muuqan faraq weyn oo u dhexeeya maceeshada dhinaca nolosha magaalada Boorama iyo Hargeysa, waxayna dadka qaar arrintaa ku tilmaameen mid ka dhalatay lacagaha is dhinac socda, sida lacagta Somaliland ee Shlinka, Dolarka iyo lacagta Birta ah ee Ethiopia oo deegaankaa markii hore aad looga isticmaali jiray, balse xiligan sii yaraanay oo dolarku suuqa ka saaray.

IMG_20150720_112733
“Maceeshada iyo Noloshu waxay la mid noqdeen Hargeysa, sababtoo ah markii hore Boorama ,ama gobolka Awdal, waxa inta baddan lagu isticmaali jiray lacagta Ethiopia ee birta, taas oo qofka markuu wax kaaga iibinayo wixii baayacaada hore kaddib uu kaa dhimaa wax macquul ah ahayd, tusaale ahaan haddii qofku shayga $2 dolar kuugu sheego ma odhanaysid wax iga dhin, waana lacag adag oo wada socota, laakiin haddii uu kuugu dheegi lahaa lacagta Somaliland ee Shilinka oo sarifka labada dolar noqonayo 15,000 S/sh, waxaad odhanaysaa 2,000 S/sh, ama 3,000 S/sh, iga dhin, lacagta birta waa sidaa oo kale oo Riyaal ama laba iga dhin ayaad odhanay. Laakiin halkan waxay lacagta dollarka kuugu dhuubayaan si yar, waxaana qabaa inay lacagta dolarku nolosha gobolka iyo maceeshada saamayn ku yeelatay, isla markaan ka dhigtay sida magaalooyinka kale ee Somaliland ee dolarka aad u isticmaala sida Hargeysa, Burco iyo Berbera. Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka Bulshada magaalada Boorama oo sharaxaad ka bixiyay sababta nolosha iyo maceesha oo ka qaboobaa magaalooyinka kale waqtigan wax ka beddelay.
Ganasiga magaalada Boorama oo ku taal xuduud waxay inta baddan xidhiidh ganacsi la leedahay dalalka Djibouti iyo Ethiopia, iyadoo xilliyadn oo kale boqolaal qof oo kasoo xaggaa baxay kulayla xoggaaga Djibouti camiri jireen Boorama, balse sannadka xaggaaga kama muuqan dadkii dhinaca Djibouti kaga iman jiray, waxayna taas beddelkeeda dadka deegaanku ii sheegeen inay dhinaca Ethiopia u xaggaa baxeen dadkii dhinaca Djibouti kaga iman jiray Boorama oo magaalada camiri jiray xilligan oo kale.

IMG_20150720_121830
Dadka xog-ogaalka u ah arrintaa waxay ii sheegeen in ay sabab u tahay culays soo food saaray gobolka Awdal oo saamayn ku yeeshay xidhiidhkii ganacsi ee dhinaca Ethiopia iyo Djibouti, taas oo sida ay sheegen ay ugu wacantahay cashuuro dheeraad ah oo Wasaaradda Maaliyadda Somaliland kusoo rogtay, kuwaas oo wiiqay dhaq-dhaqaaqii ganacsi iyo xarakaadkii suuqyada ganacsiga magaalada Boorama.

IMG_20150720_113028
Wadooyinka magaalada Boorama waxa si weyn saxmad uga dhigay gaadiidka yar yar ee Bajaajta, waxayna bulshada ugu jiraan kaalintiii Basaska iyo tagaasida, kuwaas oo boqolaal qoys u noqday il dhaqaale oo ay ku nool yihiin, balse waxa maalinba maalinta ka danbaysa sii baddanaya khasaaraha shilalka Bajaajta, “dhibaatooyin ayay dadka ku hayaan Bajaajtu, waxayna 20 maalmood ee u danbeeyay 6 shil oo ay sababeen ayaa dhacay magaalada, waxay bil walba galaaftaan nolosha 7 qof, waxayna soo baddanayan maalibna maalinta ka danbaysa” sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Saleebaan (Ramaax).

IMG_20150720_113028
“Noloshu way adagtahay, Tiktan (Bajaajtan), ayaan wataa 1,500 S/sh ah, ayaan qofka caadiyan ku qaadnaa xaafadaha magaalada oo dhan, marka aanu qofku si gaar ah kuu kiraysan, nolosha qoyskayga waan ku deberaa, sannad iyo badh ayaan watay, waa alleh mahadii qoyskayga oo ka kooban 1o qof, waxa keliya ee aan kula xarbiyaa waa iyada, mushkiladeedu waa Kidh-kidh iyo Kelyo xanuun, laakiin waa isha dhaqaalle ee aan haysaa Tiktu” sidaa waxa yidhi, Cabdi Jaamac oo aan kula kulmay badhtamaha magaalada Boorama, isla markaana ka mid ah boqolaal qof oo ku xoogsada gaadiidka yar yare ee Tigta, wuxuuna ku dooday in shilalka dhaca aanay ahayn kuwo dhamaantood loo saari karo madaxa gaadiidka yar yar ee ay noloshooda kula xaribiyaan, kuwaas oo uu sheegay inay bulshada ugu adeegaan.

IMG_20150722_104814
Sannadii u danbeeyay, waxa magaalada Boorama iyo gobolka Awdal laga bixinayay xiisad lala xidhiidhiyay Suldaan ka mid ah Saalaadiinta Awdal oo lagu magcaabo Suldaan Wabar, kaas oo wararka qaar sheegayeen inuu khatar ku yahay amaanka gobolka iyo deganaanshaha Boorama, iyadoo sheekooyinka Suldaan Wabar noqdeen kuwo marka la joogo Caasimada Somaliland la qaadaa dhigo, isla markaana warbaahinta Somaliland sheekooyinka la xidhiidha lagu arko, balse marka la joogo magaalada Boorama, way ku duwan yihiin xaqiiqda iyo arrimuhu sidaa hadal haynta Suldaan Wabar iyo sheekooyinka la xidhiidha waxaad kaga tegey Hargeysa.
Inkasta oo dadka reer Boorama yihiin kuwo ku mashquulsan arrimaha ganacsiga , Beeraha, Waxbarashada iyo dannahooda oo aan isku mashquulin siyaasada, sidaa awgeed ma arkaysid wax hadal haya Suldaan Wabar iyo sheekooyinkiisa ku baddan goobaha fadhi-kudirirka ah ee Hargeysa. Sidoo kale dheggahaagu ma maqlaayaan sheekooyinka madhalayska ah ee Siyaasada oo marka la joogo magaalada Caasimada ee Hargeysa noqday wax iska dabeecad ah in lagaga sheekeeyo goobaha bulshadu ku kulanto, balse Boorama dhalinyarada oo ah qaybaha ugu baddan bulshada, waxay goobaha ay ku kulmaan ee maqaaxiyaha shaaha waxa keliya ee ay kaga doodaan ayaa ah waxbarashadda iyo xirfadaha aqoontooda, ama heerarka Jaamacadeed ee waxbarasho.
Guud ahaan Magaalada Boorama oo ah magaalo midaba iyo muuqaalo kala duwan yeelatay, waxa aan dafiri Karin inuu jiro horumar iyo inay tartan kula jirto magaalooyinka kale ee Somaliland, waxayna magaaladaasi oo xilligan noqotay hoyga aqoonta iyo waxbarashadda u muuqataa mid isu bedelay mustaqbalka magaalo hoy ganacsi, balse doorkeeda gaancsi wuxuu ku xidhnaanayaa dariiqyada labada dal ee ay xadka wadaagaan ee Ethiopia iyo Djibouti.

 

 

Smiley face

About the Author

- Arraale Mohamoud Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Advertisement

Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp