Booliska Somaliland photofilearaweelonewsnetwork

Hargeysa(ANN)Mudaharad rabshado watay, ayaa ka dhacay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo ay ka socdeen qayb ka mid ah tartanka Ciyaaraha gobolada, waxaana ku dhintay inta la ogyahay hal qof, iyadoo ugu yraan lab qof dhaawacyo kala duwan soo gaadheen.

Booliska ayaa kala caydhiyay kooxo dhalinyaro ah oo waday mudaharaadkaa, waxaana ku nafwaayay Marxuum Ducaale Cabdiraxmaan Sheekh Ibraahim oo ahaa Wiil dhalinyaro ah oo qiyaastii dadiisa lagu sheegay 15 jir, kadib markii rasaasta Boolisku haleeshay.
sidoo kale laba dhalinyaro ah ,ayaa ku dhwaacmay goobtaa, waxaana magaalada lagu daadiyay ciimadamada amaanka, iyadoo dadku guryohooda u caraabeen, kadib markii amar bandaw ah lagu soo roggay caawa.

Dhacdadan ayaa kusoo beegantay iyadoo ay xalay magaalada dablay hubaysan ku weerareen gurigiisa badhasaabka Awdal.

Xukuumadda Wasiir Ku xigeenada Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka arrimaha Amniga , ayaa ka hadlay weerarkii Boorama ee sababtay dhimashada iyo dhaawaca askarta ilaalida guddoomiyaha Awdal, waxayna xaqiijiyeen in heeggan buuxa la geliyay ciiddanka Booliska ee gobolka Awdal, isla markaana wuxuu ku hanjabay inay sharciga hor keeni doonaan kooxdii fulisay weerarkii xalay lagu qaaday guriga badhasaabka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).

Sidoo kale waxa uu sheegay in aanay dhacdadaasi wax saamayn ku yeelan tartanka Ciyaaraha eek a socda magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. “Sidaa la socotaan saaka salaadii hore ayay Koox argagixiso ah, (waa Kooxda Wabare) weerar ku soo qaaday Magaalada Boorama, waxayna si gaar ah u beegsadeen guriga deganyahay Badhasaabka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), waxaa dhacay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, Laba Askari ayaa dhintay, Laba kale ayaa dhaawacmay” sidaa waxa yidhi Axmed Cadare oo ah wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland oo warbaahinta la hadlay, wuxuuna sheegay inay dadkii falkaa fuliyay qaarkood magaalada ku jiraan, kuwo baxsadayna ay jiraan, balse ciidanka amaanku ku raad joogaan.

“Nasiib daro way fakadeen,waxna Magaalada ayay ku jiraan oo Raadkooda ayaa Lagu dabba Jiraa,kuwa baxsadayna, waxa naloo sheegay inay u gudbeen dhanka Ethiopia,waxaan marka hore u diraynaa Tacsi Jamuuriyadda Somaliland Ciidanka Qalabka sida, Shacabkana iyo Qoysaskii ay ka baxeen illaahay samir iyo iimaan ha ka siiyo,Nimankaa falka Argagixiso sameeyay waa lagu dabo jiraa.”

Mr. Cadare, wuxuu amaanay shacbiga Boorama oo uu sheegay inay kaalin ka qaateen dhinaca amaanka,wuxuuna ugu baaqay xiligan in ay adkeeyaan nabad gelyada oo ay waxa kasta oo ka hor imanaya Amaanka gacan bir ah ku qabtaan, isagoo yidhi,

“dadka guryaha ku jira waanu ku rajo waynahay in ay soo shegeen dadka amni darada abuuraya,dadkii falkaasi ka danbeeyay waanu ku daba jirnaa,Gobolka Awdal waxa uu marti geliyay Ciyaarahii oo si wanaagsan u socda,maaha arrintaasi mid Khal-khal gelin karta Amaanka Gobolka Ciidanka ayaa Gacanta ku haya, Ciyaaruhuna sidoodii ayay U soconayaan,dhuumaalaysi ayuu ahaa weerarku dhuumaalaysina Qarankan Somaliland wax yeeli Maayo.”

sidoo kale Wasiir ku xigeenka Amaanka Somaliland Cabdi Daahir Camuud, ayaa sheegay inuu weerarkaa ka danbeeyay Suldaan Abi Bakar Wabar oo doonaya inuu Khal-khal geliyo Amaanka Gobolka, waxaana uu qiray in ay Ciidanka heeggan gliyeen Gacan Bir Ah, isla markaana xusay inay jiran dad naddan oo loo qabtay tuhuno la xidhiidha falkaa oo sharciga la horgeynayo.

“baryahanba waanu la Soconay inuu dhaq-dhaqaa ka jira eeriyada Boorama ninkii la odhan jiray wabar iyo kooxdiisu ay ka wadeen,Dhibkaasi halkaas ka dhacdayna Suldaan Wabar ayuu ku xidhiidh San yahay,Laba Askari ayaa dhintay Laba kalena way dhaawac, ,Midna waa Milatariga Midna waa Booliska,wixii kale waa la qabanayaa hawlahu sidoodii ayay u socdaan loona Joojin Maayo hawlahu Sidoodii ayay u soconayaan.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha guddaha Cabdi Daahir Camuud, wuxuu han-jabaad u diray Meleeshiyada Suldaan Wabar Taageersan ee rabshada ka wada Deegaanka Boorama, waxaana uu tilmaamay in ay hawlahu sidoodii u socdaan ciidankuna gudan doonaan waajibaadkooda cid kasta oo tuhumo dhacdadaana sharciga la orkeeni doono.
“Hawshu Sidoodii ayay U socon doontaa Hawl Galku Cidna loo joojin Maayo,dad fara Badan ayaanu qaban doonaa,kolay haday mar wax dhacaan in dad la xidhayo ama guddaha ha ahaato ama kuwii fuliyay ha ahaato dadka gudahuna waa laga yabaa in ay lug ku leeyihiin,hadadanba ragani guryo ayay ka soo baxeen,Markaas Kuwii Joogay Guriga uu ka soo baxay Xabsiga ayaa La dhigayaa.
Wasiirku waxa uu intaas raaciyay.”kii taakuleeyay,ama kuwa Gacanta siinaya, waxaa lagu qabanayaa gacan Bir ah oo Sharciga ayaa la hor gayn doonaa,Guryaha ay ku jireena cidii ku jirtay sharciga ayaa la horkeeni doonaa waana la baadhaya siday wax u dhaceen hawl galkuna waa socdaa. Ayuu yidhi Cabdi Daahir Camuud.

Todobaadyadii u danbeeyay waxay Xukuumadda Somaliland iyo Dawlada Ethiopia ku Kala Saxeexdeen Magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomalida Ethiopia heshiis la xidhiidha iskaashiga amaanka iyo arrimo kale, balse wasiirku, wuxuu sheegay in ficilka foosha xun ee ay sameeyeen kooxdaa nabad-diidka ah aanay waxba u dhimayn wada shaqayntii iyo heshiiska ay isla gaadheen, isla markaana la wado sidii loo soo afjari lahaa malayshiyada nabad diidka ah.

Kooxda loo tirinayo weerarka, ayaa marar baddan ka gaysatay weeraro khasaare dhaliyay deegaankaa, waxaana weeraradaa lagu macbeeyay kuwo la doonayay in nabadgelyda wax loogu dhimo.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63442 5380