araweelonews-300x168

Boorama(ANN)Ciidamada Amaanka ee Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Laba ka mid ah Xildhibaanada golaha deegaanka Boorama iyo kooxo dhalinyaro ah, kuwaas oo lala xidhiidhiyay inay horboodayeen mudaharaadyo rabshada ah oo lagu taageerayay dhawaaqa lidka ku ahaa jiritaanka Qaranimada Somaliland oo kasoo yeedhay Suldaan Abuubakar Wabar oo ka mid ah Madaxdhaqameedka Gobolka Awadal.

Suldaan Wabar, ayaa muuqaal Vedio ah oo laga soo duubay, isagoo ku sugan deegaanka gudaha xadka Ethiopia sheegay inay wixii hadda ka danbeeya dadka deegaanka Boorama ka noqdeen ka mid ahaanshaha Somaliland oo ay ka mid noqonayaan gobolada hoos taga Dawlada Federaalka ee Somalia.
Sidoo kale wuxuu ku hanjabay inay dagaal kala hortegayaan Somaliland, isagoo ka dalbaday Dawlada Ethiopia, gaar ahaan Ismaamulka Soomalida ee Kililka Shanaad inay ku taageeraan mawqifkaa.

Dhawaaqa Suldaan Wabar, ayaa saamayn ku yeeshay Magaalada Boorama, waxayna xukuumadda Somaliland u dirtay xubno wasiiro ah iyo Ciidamo maamihii lasoo dhaafay. Kadib markii ay ka warheshay abaabulo mudaharaadyo la doonayo in taageero loogu muujiyo dhawaaqa Sudlaanka oo guux iyo dareen baddani ka dhashay.

Hase yeeshee xubnaha wasiiradda ah, ayaan waxba ka bedelin xaalada iyo dareenkii jiray, waxaana ka dhacay magaalada Mudaharaadyo rabshado wata oo ay horboodayeen Laba xildhibaan oo kala ah Xasan Muxumed Cumar (Xasan Bisle) iyo Sheekh Ibraahin Maxamed, kuwaas oo si badheedh ah warbaahinta maxaliga ah uga sheegay inay taageerysan yihiin dhawaaqa Suldaan Wabar, waxayna dadka mudaharaadayay lasoo baxeen boodhadh ay ku qaran yihiin halkudhegyo lid ku ah qaranimada Somaliland, isla markaana meesha ka saaraya nidaamka dawliga ah ee Somaliland iyo nabadgelyada ay Somaliland ku caano maashay.
Mudaharaadyada rabshadaha watay oo kusoo noqnoqday Magaalada Boorama sadexdii maalmood ee u danbeeyay, ayaa sababay in ciidamada amaanku xabsiga u taxaabaan maanta labadaa xidlhibaan oo si cad u taageeray dhawaaqa Suldaanka, isla markaana lagu eedeeyay inay abaabuleen mudaharaadyada ka dhanka ah jiritaanka Somaliland ee teegeerada loogu muujinayay Suldaan Wabar, waxaana loo gudbiyay xildhibaanadaa dhinaca magaalada Hargeysa.

Sidoo kale Ciidamada Booliska, ayaa qabtay ugu yaraan 20 ka mdi ah dhalinyarada hormoodka u ahayd mudaharaadyada, kuwaas oo qaarkood dhinaca magaalada Hargeysa loo gudbiyay, iyadoo ay Ciidamadu raadinayaan dhalinyaro kale oo qayb ka ahaa abaabulka mudaharaadyadaa.

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com