ayax4

 

 

 

 

 

Hargeysa(ANN)Boqolaal qoy oo danyar ah, ayaa loo qorsheeyay Guryo ay hoy ka dhigtaan, kuwaas oo laga dhisay cidhifka Koonfur Galbeed ee magaalada Caasimada ee Xaafada barakacayaasha Ayaxa 4, ama Sheekh Sancaani ee Hargeysa.

Ayax4two

ayaxa46

 

 

 

Madaxweynaha Qaranka Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa ka qaybgalay xaflada furitaanka 350 Guri oo ah kuwo cusub, isla markaana loo qorsheeyay dadka danyarta ah ee degan qaybka mida caasimada Somaliland ee Hargeysa oo 8aad goobood laga soo raray, kuwaas oo loo qaybiyey guryahaa oo dhan 350, waxayna noqonayaan guryahaasi kuwo hanti ah oo ay iskood u yeelan doonaan.

ayax44

ayaxa45

sidoo kale waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray Kayd biyood oo xaafadaasi loo sameeyey, wuxuuna Madaxweyne Siilaanyo oo hadal kooban ka jeediyay halkaa ku sheegay in talaabadani ay noqon doonto mid dhiirigelindoonta guud ahaan danyarta dalka, isagoo u mahad celiyay cid walba oo gacan ka geysatay dhismeyaasha iyo deegaamaynta dadka danyarta ah.

 

Ayax43

 

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com