Hargeysa(ANN)- Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadaw) ayaa ugu baaqay Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Muuse Biixi in aanu ku deg-degin in xukuumaddu la wareegto Keensita Shidaalka Dalka ee shirkaddaha gaarka loo leeyahay ka ganacsadaan, wuxuuna ka digay in haddii xukuumadda Madaxweyne Muuse Bixii ku dhaqaaqdo arrintaa ay abuuri karto cawaaqib xumo.


Boqor Cismaan Buurmadaw oo ka mid ah Madax-dhaqameedka ugu magaca dheer hoggaamiyayaasha dhaqanka Soomaalida, wuxuu arrimahaa iyo kuwo kaga hadlay mar uu hadal ka jeediyay shalay munaasibad xaflad qalinjebin jaamacadeed oo Hargeysa ka dhacday.

Halkan Ka Daawo. Boqor Buurmadaw oo arrintaa ka Hadlaya