King Osman Aw MohamoudDubai(ANN)Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-mmadaw) oo ka mid ah Madaxdhaqameedka ugu caansan Soomaalida, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha ka taagan Boorama, kuwaas oo uu sabab u yahay Suldaan lagu magcaabo Abuubakar Wabar oo ku dhawaaqay dhowaan inay ka noqonayaan dadka deegaanka Awdal ka mid ahaanshihii Somaliland, isla markaana wixii ka hadda ka danbeeya ay ku biirayaan Federaalka Somalia.
Dhawaaqaa oo ka dhaliyay Magaalada Boorama xiisad siyaasadeed. kadib markii xubno ka mid ah golaha deegaanka ee Boorama taageero u muujiyeen dhawaaqa Suldaankaa oo ku dhuumaalaysanaya deegaanka duleedka Boorama ee dhinaca Ethiopia.
Hadda waraysi uu siiyay Boqor Cismaan Buurmadaw shebekada Caynabanews, wuxuu kaga hadlay arrimahaa iyo xaalada siysaasadeed ee waqtigan dalka, wuxuuna u dhacay sidan:- Halkan ka dhegeyso Waraysigaa oo dhamaystiran.