Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud buur-Madow oo ka mid ah Madax-dhaqameedyada ugu magaca dheer Somaliland, ayaa xoriyadiisa loo celiyay maanta, kadib markii  maalintii Khamiistii  xukuumaddu Xabsiga u taxaabatay, isagoo kasoo laabtay xaflad caleemo saar madaxdhaqameed uu kaga qayb galay dhinaca maamul goboleedka Puntland.

Afhayeenka Booliska Somaliland Col. Faysal Xiis Cilmi ayaa saxaafadda u sheegay markii la xidhay Boqorka inuu  sameeyey Qaran dumis iyo faafinta warar been abuur, wuxuuna sheegay inuu ku eedeysan yahay qodobada 212 iyo qodobka 328 ee xeerka ciqaabta Somaliland, Isla markaana la soo taagi doono Maxkamad.

 

Haseyeeshee maanta, ayaa Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw), ayaa xoriyadiisa loo celiyay maanta, waxaana  ka dhashay xadhigiisa mudaharaadyo lagu diidan yahay oo ka dhacay qaar ka mid ah deegaamada Bariga Somaliland.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw), waxa sidan oo kale loo u xidhay Xukuumadihii Madaxweyne Siilaanyo Iyo Daahir Rayaale, waxaase lasii daayay muddo kadib.