London(ANN)Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland Mudane Xasan Axmed Aadan ayaa kulan la yeeshay Boqorradda Ingiriiska Queen Elizabeth II, kaddib booqasho uu muddo ku joogay dalka Uk usbuucii ina dhaafay oo uu shalay ka soo laabtay.

Waa masuulkii u horeeyay ee Somaliland ka socda oo la kulma Boqorrada Uk, taariikhda inta la xusuusto, waxaanu salaan gacan-qaada la qaatay Boqorrada, isagoo ku lebisan Bilad Calanka Somaliland ka samaysan, taasoo u ahayd fursad laba waji leh.

Somaliland ayaa ka mid ahayd Maxbiyadihii Ingiriisku haystay qarnigii 18-aad ilaa badhtamihii qanigii 19-aad, waxaanay xoriyada ka qaadatay sanadkii 1960-kii.

Geesta kalena, Xeer Ilaaliye Xasan waxa uu ka qayb galay Xuskii loo Sameeyay Axdigii loo yaqaanay Magna Carta oo Sideed Boqol oo Sanadood ay ka soo wareegtay, ahaana Axdigii Gundhiga ama Aasaaska u ahaa Nidaam Sharciyeedada Dunida lagaga dhaqmo oo ku astaysan ilaalinta Xuquuqaha Aasaasiga ah iyo u Sinaanshaha Sharciga ee Muwaadiniinta.

Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen 120 Dawladood oo ay ku jireen Sagaashan Wasiir Cadaaladeed iyo Xeer ilaaliye ayaa waxaa lagu lafo guray arrimaha Qaanuunka Iyo sidii Dunidu ay isaga kaashan lahayd in Sharcigu uu noqdo mid dadka haga oo loo siman yahay.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xasan Axmed Aadan ayaa waxa uu shirkaas ku soo bandhigay sida ay Somaliland u tahay Qaran ay u dhisan yihiin Laamaha Cadaaladiisu, iyada oo reer Somaliland ay ku guuleysteen inay dib u Unkaan Sharcigii iyo Kala Danbayntii ku burburtay Dagaaladaii Qadhaadhaa ee soo maray Dalkeena, waxaana uu tilmaamay in Dalka Somaliland uu yahay Dal Dimuqraadi ah ah oo ay Muwaadiniintu Codkooda ku soo doortaan Madaxdooda, taasi oo aan ka dhicin Dalal badan oo dunida ah, Waxaana uu Tilmaamay in Horumar balaadhan ay Somaliland ka Samaysay Ilaalinta Xuquuqda Aadamaha iyo Sinaanta Sharciga.

“Xeer ilaaliyahu waxa uu mudada uu joogay Kulan la qaatay Wasiirka Caddaaladda UK Hon. Chris Graylin oo ay si qoto dheer uga wada hadleen Xaalada Guud ee Dalka Somaliland iyo sii Xoojinta Xidhiidhka Taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada Dal iyo labada Umadood. Waxaa ugu Danbayn uu Xeer Ilaaliyuhu uu Qasriga Boqortooyada UK kula kulmay Boqorada Dalkan UK Queen Elizabeth II. Sidaas waxa laga soo xigtay Safiirka Wareega ee Somaliland Kaysar cabdilaahi.

“Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland ee uu Hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa si weyn ugu dedaalaysa sidii Caalamka ay u gaadhsiin lahayd Yuhuunta iyo Rabitaanka Shacbiga Somaliland ee ku Salaysan sidii dunidu ay u garwaaqsan lahayd Xaqa ay Ummada reer Somaliland u leeyihiin in Qarankooda la Aqoonsado, waana Yoolkaas ka ay ka duulayso kuna hawlan tahay ka midho dhalintiis, taasoo la gaadhi doono wakhti aan fogayn.”

xiggasho Gobanimonews.com

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews