Riyadh(ANN)-Boqorka Dalka Sucuudiga  Salmaan Bin Cabdicaiis, ayaa casilay Wasiirkii ugu caansanaa Xukuumaddiisa ee Arrimaha Dibedda Caadil AlJubeyr. Kadib isku shaandhayn Boqor Salmaan ku sameeyay xukuumaddiisa.

Sida ay baahisay waraabhinta Dalka Sucuudiga go’aankaa isku dhaandhaynta oo  maanta ka soo baxay boqorka Sucuudiga, waxa xilka wasiirka arrimaha dibadda loogu magacaabay Ibrahim Bin Abdulaziz al-Assaf, oo xafiiska ka baddali doona Caadil Al Jubeyr.

Wasiirkii arrimaha dibadda ee dowqladda Sacuudiga Caadil Al Jubeyr ee xilkaa laga qaaday, ayaa hadda laga dhigay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, taas oo u muuqata in ay tahay mid ciqaab looga dhigay.

Sidoo kale Boqor Salmaan, ayaa Prince Abdullah Bin Bandar Bin Abdulaziz  ku bedelay  Prince Miteb Bin Abdullah oo ahaa Taliya guud ee Ilaalada qaranka, halka  General KHalid Bin Qirar al-Harbi loo magcaabay Taliyaha Guud  ee Ammaanka , isla markaana  Musaed al-Aiban , ayaa loo magcaabay La-Taliyaha Amaanka Qaranka.

Turki Aala Sheykh oo ahaa wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha waxaa loo wareejiyay hay’adda Dalxiiska oo ah hay’ad uu dhisay Max’med Bin Salmaan.

Xil ka qaadista iyo Isku shaandhaynta, ayaa sidoo kale la sheegay in ay saamaysay siyaasiyiin kale iyo safiiro, kuwaas oo uu ka mid yahay Safiikii dowladda Sacuudiga u fadhiyay magaalada London Maxamed Bin Nawaaf Bin Cabdicasiis oo isna shaqada laga eryay.

  Wasiirka la casilay ee Al Jubeyr, ayaa la rumeysanyahay in sababta loo casilay ay salka ku heyso dilkii qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istambul loogu geystay wariye Jamaal Khashoggi, oo ku caan baxay dhaleeceynta xukuumadda Riyaad.

 Khashoggi, ayaa la dilay horaantii bishii Oktoobar, xilli uu xarunta qunsuliyadda ee ku taalla dalka Turkiga u tagay si uu uga helo warqado uu ku diyaarsanayay arooskiisa.

Dilkii wariye Khashoggi, ayaa toosh ku ifiyay hab dhaqanka dowladda islaamiga ah ee Sacuudiga, iyadoo horayna loo qaaday tallaabooyin ka dhan ahaa saraakiisha lagu tuhmay inay dilkaas ku lug yeesheen.

Dowladda Sacuudiga oo horre u beenisay inay wax ka ogtahay dilka wariyaha, hase ahaatee waxay goor dambe qiratay iney falkaas geysteen saraakiil aan amar ku shaqeyneynin.

Caadil Al Jubeyr ayaa ahaa mas’uul caan ah oo si joogto ah u shaacin jiray hadallada dowladda Sacuudiga ee la doonayay in lagu difaaco eedaha  dilkii Khashoggi, isagoo mar baddan warbaahinta reer galbeedka ku dhaliilay sida ay dhacdadaas u tabinayeen.

Waxase muuqata in Boqortooyadda oo si weyn dilka Weriye Khashoggi saamayn ugu yeeshay, isla markaana sababay cadaadis dublamaasiyadeed oo dunida kasoo waajaha ay tallaabadan doonayaan in qayb yar oo indhaha caalamka ah iskaga jeediyaan, balse weli waxa horyaal su’aalo ka taagan dilka weriyahaa oo boqortooyada Sucuudiga laga sugayo jawaabtooda.