Wuxuu dhashay April, wuxuuna Geeriyooday April

London(ANN)-Allah haw naxariistee, Marxuum Axmed Ismaaciil (Xudaydi), ayaa ku geeriyooday magaalada London ee dalka Britain. kadib markii uu noloshiisa galaaftay Fayriska Coronavirus ee ku faafay dunida.


Marxuum Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudaydi), ayaa ka mid ahaa dadkii fanka Soomaalida ugu magaca dheeraa ee rukumada u ahaa aasaaskiisa, wuxuuna ahaa ruug caddaa dhinaca fanka iyo muusigga ah, isagoo si weyn loogu ixtiraami jiray dhinaca garaacista Kabbanka, isla markaana lagu naanaysi jiray Boqorkii Cuudka.


Sida uu ku sheegay waraysi intii uu noolaa laga qaaday oo ka baxay barnaamijka Qubanaha VOA ee sanadkii 2017, waxa uu sheegay in garaacidda Kabbanka uu bilaabay isaga oo 18 jir ah.

Marxuum Xudaydi oo si weyn Bulshada Soomaalida looga ixtiraami jiray, ayaa dhashay 15-kii April ee sanadkii 1928,wuxuuna kusoo barbaaray magaalada Cadan ee dalka Yemen, wuxuuna sannadii u danbeeyay deganaa dalka Britain, gaar ahaan magaalada Lodon, halkaas oo uu ku geeriyooday isla bishiii ku beegnayd dhalashadiisa ee April, isagoo da’diisu ahayd xilligan 92 sannadood.