Araweelo News Network

Boorama(ANN)-Magaaalada Boorama ee Xarunta gobolka Awdal, ayaa si ballaadhan looga xusay maalinta qiimaha baddan ee Qaranimada Somaliland, waxaana Isugu soo baxay Fagaaraha kumanaan qof oo sita Calanka Jamhuuuriyadda Somaliland.

Xuska munaasibada sannad guuradii 27aad ee 18 May oo ahayd maalintii Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer lagaga dhawaaqay lasoo noqoshoda  madaxbanaanida Somaliland  18 May 1991, waxa munaasibada lagu xusayay ee Boorama kala qaybgalay shacbiga Madweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan.

 

Halkan ka Daawo Muuqaalka munaasibada Boorama