BrazilhaweentababarBrazil(ANN)Naadi ka tirsan kooxaha kubbadda cagta dalka Brazil, ayaa qaaday tallaabo ay kaga hortagayaan rabshado inta badan ka dhaca garoonada dalkaas, gaar ahaan xilliyada ciyaaraha kulul jiraan, kadib markii ay 30 haween hooyooyin ah u tababareen in ay ka hortagaan rabshada wiilasha dhallinyarada ah ku kacan xilliyada ciyaaraha lagu guda jiro.
Haweenkan ayaa loogu talagalay in ay soo jiitaan quluubta taageerayaasha laga cabsi qabo in ay rabshad kenaan, gaar ahaan kuwa kooxda Sport Club do Recife, iyadoo loogu talagalay in ay garoonka ku waregaan.
Hooyooyinkan oo bilaabay shaqada waqti kooxda Sport Club Do Recife ay la ciyaaraysay naadiga colaada weyn ka dhaxayso ee Nautico, waxaana loogu talagalay in ay taageerayaasha labada dhinac ka ilaaliyaan in ay dagalamaan
Naadigan oo haweenkan uu u tababaray millateriga dalkaas, ayaa tallaabadan qaaday, kadib markii magaalo xeebeedka Recife oo ah magaalada ugu weyn waqooyiga Brazil ay noqotay meel kubbaddeeda cagtu rabshad abuurto sannadadii u dambeeyey, laakiin dumarkan looguma talagalin in ay wiilashooda oo kaliya ilaaliyaan, balse waxa la siiyey tababar aad u sarreeya.
Tallaabadan oo loogu talagalay in garoonnada kubbadda cagta lagaga dhigo qaar nabad ah sida uu sheegay Aricio fortes oo ah Madaxweyne-ku-xigeenka shirkadda Oglivy ee fikradan iska leh, waxaannu yidhi; “Dhammaadka maalintaas qofna muu doonin inuu ku dagaalamo hooyo horteeda, gaar ahaan hooyadii.”
Firkadan waxay u muuqata mid shaqaysay, sababtoo ah ciyaartii dhex martay kooxda Sport iyo naadigay colaadku ka dhaxayso wax rabshad ah may dhicin, kadib markii Sport 1-0 guushu ku raacday, qofna looma xidhin inuu rabshad ku kacay.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews