David Cmeron

London(ANN)Dawlada Britain, ayaa cadaysay inay Ciidamo U dirayso dàlka Somalia ee colaadduhu naafeeyeen, kuwaas oo ka qayb qaadanaya sidii kooxda Al-shabaab looga saari lahaa meesha. Sidaana  waxa baahiyay Wakaalada Wararka ee AFP oo soo xiganaysay afhayeen u hadlay  Raysal wasaaraha dalka Britain David Cameron.

 

Raysal Wasaare Devid oo ka qabgalay shirka Qaràmada Midoobay ee ka socdà New York, ayaa ka sheegay halkaà inay Somalia u dirayaan Ciidamo qayb ka noqda sidii Dawlada Somalia looga taageeri lahaa daaalka ay kula jirto Al-Shabaab.

 

 

Sida lagu sheegay warkaa Britain waxay ilaa ciidamo gàadhaya  70 u diray Somalia, kuwaas oo qayb ka noqonaya cidamada naba ilaalinta ee AMISOM oo gaadha 22, 000-kun oo xilligan Dawlada Somalia ka taageera dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, bàlse Britain waxay sheegtay in Ciidamada ay u diray Somalia ay dhinaca tababarka ka caawinayaan cidamada Somalia iyo kuwa nabad ilaalinta ee ku sugan Somalia.

 

 

Sidoo kale Britain waxa suurta gal ah inay dàlka South Sudan u diraan Ciidamo gaadhaya 300, kuwaas sida lagu sheegay warkaa qayb ka noqnaya ciidamada nabad ilaalinta ee ku sugan Dàlka Koonfurta Sudan oo dagaalo ehliyi ah ka dhaceen, bàlse dhowaan dhinacyada ku dagaalayay heshiis laga dhex dhaliyay.

Somalia waxa màrka laga yimaado ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM, waxa jira Ciidamo aan tiradooda si dhab ah loo ogayn oo Maraykan àh, kuwaas Dawlada Maraykanku ku sheegto tiro yar oo tababro siiya cidamada Dawlada  Somalia.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380