ambassador Neil Wigan Uk Somalia

Mogadishu(ANN)Dawlada Britain, ayaa muujisay mawqifkeeda ku waajahan khilaafka cirka isku shareeray ee u dhexeeya Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal wasaarihiisa Cabdiweli Sheekh Axmed, kaas oo waqtigan Baarlamaanka la horgeeyay mooshin la doonayo in daaqada lagaga saaro.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Villa Somalia kula kulmay safiirka Britain ee Somalia Neil Wigan, kaas oo booqasho ku tegey Muqdisho, isla markaana ka mid ah Dublamaasiyiin ka socda beesha Caalamka oo mudooyinkan ku hawlanaa in xal loo helo khilaafka Madaxweynaha iyo raysal wasaaraha Somalia.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay natiijada kulanka Madaxweynaha Somalia iyo Safiirka Britain, balse sida ay sheegayaan warar shebekada Araweelo News Network ka heshay dad ka agdhow kulankaa, ayaa sheegay in Safiirka Britain Mr. Wigan uu Madaxweynaha Somalia kala hadlay sida ugu macquulsan ee looga gudbi karo khilaafka, isla markaana loobaajin lahaa in Raysal wasaare Cabdiweli uu waayo xilkiisa. Sidaa awgeed ay lagama maarmaan tahay in la helo wado kale oo xal loogu helo khilaafka, balse Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sida ay sheegayaan xoggaha la xidhidha kulankaa ee Araweelonews ka heshay ku adkaystay in arrintaa loo daayo Baarlamaanka sharciga ah, isagoo ku dooday in Raysal Wasaare Cabdiweli sabab u yahay khilaafka. Sidaa awgeed aanay xiligan jirin wax uu ka qabankaro mooshinka yaala baarlamaanka, isla markaana ay Xildhibaanadu yihiin hay’ad madaxbanaan oo aanu doonayn in ay ku farogeliyaan shaqadooda.

Hase yeeshee Safiirka Britain ee Somalia Ambassador Wigan, ayaa kulankaa ka dib Boggiisa Twitter-ka, ku sheegay sida ay lagama maarmaanka u tahay inaanay Somaliya ka leexan wadada ay iminka cagta ku heyso, wuxuuna ka digay sida waqtigan wax u socdaan oo sida uu sheegay keeni kara dib u dhac ku yimaada Dowladnimada Somalia, isla markaana meesha ka saari kara dedaalkii beesha Caalamka iyo rajada hiigsiga sanadka 2016-ka ee Somaliya, taas oo uu sheegay in aanay Dawlada Britain raali ka ahayn.

Sidoo kale Dublamaasiyiin ka socda dalalka reer galbeedka, ayaa kulamo kala duwan maalmahan la lahaa Madaxda Somalia, kuwaas oo kala hadlay arrinta khilaafka, isla markaana ka digay natiijada uu keeni karo khilaafka Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Somalia, kaas oo mugdi gelinaya mustaqbalka Somalia.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com