Araweelo News Network.

 

London(ANN)-Xukuumadda dalka Britain ayaa ugu baaqday dadka in ay is dejiyaan oo aannay xaaladda uga sii darin, kaddib markii dadku iyagoo ka cabsi qaba shidaalka gabaabsiga ah iyo sahayda cuntada oo yaraanay faaruqiyeen kaalmaha shidaalka.

Arrintan ayaa si weyn walaac uga abuurtay dalka, balse xukuumadda ayaa ku boorinaysaa dadka inay ku noqdaan noloshii caadiga ahayd iyo wax iibsiga caadiga ahaa oo ay is dejiyaan.

 

Sidoo kale, dawladda Uk, waxay ku boorrisay dadka reer Britain inay si caadi ah ugu ganacsadaan meheraddooda, isla markaana ay dib u bilaabaan caadooyinkii wax iibsiga ee caadiga ahaa. Sidaana waxa sheegay Xoghayaha Gaadiidka dalka Britain, isagoo xusay in taasi ay ka dhigan tahay in gaadiidlaydu joojiyaan buuxinta Caaagadaha biyaha ee shidaalka ay ku kaydsanayaan.

Dhinaca kale, Raiisal wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa Salaasadiii sheegay in dowladdu ay diyaarineyso dhammaan waxyaabaha daruuriga ah ee sahayda cuntada ka hor inta aan la gaadhin ciidka Kirismaska. Johnson wuxuu ku eedeeyay iibsiga argagaxa leh ee Caagadaha batroolka shidaalka  ay tahay arrin “waxoogaa marin habaabin”, taas oo sida uu sheegay dadku kaga jawaabayeen xaaladda soo korodhay.

 

“Waxa aan doonayno inaan samayno waa inaan hubinno inaan haysanno dhammaan diyaargarowyadii lagama maarmaanka u ahaa ilaa ina inaan ka gudubayo ciidka Kirismaska iyo wixii ka dambeeya, kaliya maaha bixinta kaalmaha shidaalka, laakiin dhammaan qaybaha silsiladdayada sahayda,” Johnson ayaa sidaa u sheegay idaacaddaha maxalliga ah ee dalka Britain.

Ra’iisal wasaaruhu wuxuu sheegay inuu u damqado kuwa aan awooddin inay shidaal helaan, isagoo ku tilmaamay, wuuxuna arrintaa ku macneeyay in ay tahay mid muujinay “niyad -jab iyo cadho”.

 

Darawalada  gaadiidka ee dalka Britain ayaa safaf ugu jiray saacado si ay u buuxiyaan taangiyadooda gawaadhida, halka goobo badan oo meelaha shidaalka lagu iibyo lagu xidhay calaamado sheegaya in aannay hayn batrool ama naaftada, sida ay soo werisay wakaaladda Reuters.

 

Ururka Kaalmaha Shidaalka ee iibiya tafaariiqda Batroolka (PRA) ayaa sheegay in goobaha shidaalka ee dalka Britain 50% ilaa 90% bamamka shidaalku ay haatan noqdeen kuwo qalalan  meelaha qaarkood.

 

Ka bixitaanka Midawga Yurb ( Brexit) ayaa si weyn looga dareemay dalka Britain yaraanta darawalada Baabuurta xamuulka, taas oo ka sii dartay markii la joojiyay tijaabada liisanka baabuur-wadista inta lagu gudajiro xayiraada coronavirus iyo sidoo kale dadka ka taga warshaddaha, waxayna arrinta gaadiidka la waayay cid kaxaysa dharbaaxo culus kusii noqotay sahayda oo yaraatay dalkaa.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.