kanya1Nairobi(ANN)Bulshada Kenyaanka ah ee Kiristanka, ayaa cabsi weyni soo waajahday. Kadib markii Gobolka Soomalidu degto ee Woqooyi Bari Kenya lagu laalayay Todobaadkan 28 qof oo ahaa Macalimiin ka shqaynayay Deegaanka Mandheera oo doonayay in ay fasaxa ciida Kiristanka qoysaskooda iyo Eheladooda lasoo joogaan.

Hase yeeshee gaadhi Bas ah oo ah usii jeeday dhinaca Nairobi, ayaa lagu dilay 28 qof ka mid ahaa dadkii saarnaa, kuwaas oo dhamaantood ahaa Macalimiin Kiristan ah, waxaana weerarka Dadkaa lagu laayay sheegatay Al-shabaab oo ku tilmaantay mid loogu aargudayo xasuuq iyo dhibaatooyin ay shegeen in Ciidamada Kenya ku hayaan Muslimiinta gobolka Xeebta ee Mambasa oo la xidhay dhawr Masjid oo ku yaalay, isla markaana xabsiga loo taxaabay dhalinayaro iyo dad waayeel ah oo ka mid ah Muslimiinta Xeebta Mambasa.

Tallaabada Al-shabaab ku laysay Macalimiintaa, ayaa si weyn looga dareemay dalka Kenya, waxaana canaan weyni laga timi Xukuumadda Uhuro Kenyata. Sidoo kale dhacdadaa ayaa sababatay in Boqolaal qof oo Kanyan ah oo ku sugnaa Gobolka Woqooyi Bari ee Kanya ay maanta cabsi darteed galaan Xero ay leeyihiin Ciidamada Cirka ee Kanya, kuwaas oo ku dooday in ay ka cabsi qabaan in Al-shabaab weeraro la mid ah kuwii dhacay todobaadkan ku fuliyaan.

Ururka Shaqaalaha Kanaya ayaa ugu baaqay in dadka Kanyanka ah ee Kiristanku kasoo baxaan deegaanka dhinaca Woqooyi bari ee Kanaya, maadaama aanay cidna ka difaacayn weerarada Al-shabaab ee inta baddan ay ka fuliyaan deegaamadaa, kuwaas oo Ciidamada Booliska Kanya iyo Milateriga dagalka kula jira Al-shabab gudaha Somalia waxba ka qaban Karin, Balse Madaxda Dawlada Kanya ayaa sheegay in ay amaanka dadkooda masuul ka yihiin oo xaalada la dejiyo.
Dhinaca kale Kumanaan qof oo ka mid ahaa dadka ka shaqeeya Woqooyi Bari Kanya, ayaa ku qul-qulaya dhinaca Caasimada Kanaya ee Nairobi, taas oo sababtay in gaadiidka Cirka ee Diyaaradaha isaga goosha gobolkaa iyo dalka intiisa kale iyo gaadiidka kale ee la raaco saxmad noqdeen dadka ka qaxaya deegaankaa awgeed.

Al-shabaab waxay sheegtay in raggii weerarkaa fuliyay ay si nabad ah ugu laabteen Deegaanka Gal-guduud ee Gudaha Somalia, waxayna arkaa soo saartay wax yar ka dib markii Madaxweyne Xigeenka Kenya uu sheegay in ay dileen ciidamadoodu kooxdii weerarka fulisay oo doonayay in ay xadka u dhexeeya Kanya iyo Somalia ka talaabaan.

Weerarka ugu danbeeyay ee Sabtidii ka dhacay Mandheera maaha kii u horeeyay ee ay Al-shabaab ka fuliso gudaha dalka Kenya, balse waxay hore weeraro iyo qaraxyo khasaare dhaliyay uga fulisay gudaha dalka Kenya, waxaana weeraradaa ugu weynaa kii ay ka fuliyeen xaruntii ganacsiga Westgate oo Sep 2013 ay ka fuliyeen Caasimadda Dalka Kenya, kaas oo ay ku dhinteen 67 qof oo qaarkood ahaayeen Dublamaasiyiin u dhashay dalalka reer galbeedka iyo muwaadiniin u dhashay Kenya, wuxuuna weerarkaasi si weyn usoo jiitay indhaha mujtamaca aduunka. Kadib markii kooxdii fulisay si nabad ah uga baxsadeen ciidamada amaanka Kenya, taas oo wejigabax siyaasadeed iyo saamayn dhaqaale iyo dhinaca amaankaba ku yeelatay dalka kenya.
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com