Araweelo News Network

kulankabulshadarayidkaHargeysa(ANN)Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland, ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay dedejiyaan taageerada xooggan ee ay ku bixiyaan doorashooyinka iyo hannaanka dimoqraadiyadeed ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland si doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu u qabsoomaan muddada loo cayimay ee bisha March 2017 haddii Ilaahay yidhaa.
Sidaa waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Jilayaasha aan Dawliga ah ee Somaliland, SONSAF (Somaliland Non State Actors Forum) Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil shalay, kaasoo lagu faahfaahiyey kulan waxyaabaha lagaga wadahadlay kulan Madaxtooyada ku dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo masuuliyiinta Urrurada Bulshada Rayidka ah.
“Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, kuna hawlan arrimaha horumarinta dimoqraadiyadda iyo arrimaha doorashooyinka ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kulankaas oo ka qabsoomay madaxtooyada. Ujeeddada ugu weyn ee kulankaasi waxay daarneyd arrimaha doorashooyinka Somaliland iyo sidii hannaanka socda ee diiwaangalinta si hufan loogu soo geba-gebeyn lahaa si doorasho xor iyo xalaal ah loogu diyaargaroobo.
Ururrada Bulshadu waxa ay kulankaasi la wadaageen Madaxweynaha aragtidooda iyo taloooyinkooda wax-ku-oolka ah ee ku saabsan horu-socodka doorashooyinka, iyagoo dareen ka muujiyay wakthtiga hadhsan iyo hawsha balaadhan ee doorashada ka horreysa, isla markaana ku taliyay in la iswaafajiyo shaqada hadhsan iyo waqtiga aan haysanno, loona baahan yahay dedaal dheeraad ah iyo iskaashi dhexmara dhammaan daneeyeyaasha doorashooyinka.
Sida darteed, Ururrada Bulshadu waxa ay dhawaaq dheer ugu sheegayaan beesha caalamka ee innaga taageerta arrimaha doorashooyinka inay xoojiyaan, isla markaana dedejiyaan taageerada mugga leh ee Somaliland ka siiyaan dhinaca doorashooyinka. Waa in dhammaan dhinacyadu ogaadaan in wadajir lagaga bixi karo marxaladdan hadda lagu jiro, si looga midho-dhaliyo hiigsiga in doorasho ku dhacdo waqtiga loo qoondeeyey ee 27-ka bisha saddexaad ee sannadka 2017-ka ee foodda innagu soo haya haddii Alle idmo.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuriyadda Somaliland wuxuu kula dardaarmay Ururrada Bulshada Rayidka ah inay sii wadaan taageeradii ay ka geysan taan hawlaha guud ee qaranka, gaar ahaana arrimaha doorashooyinka,” ayuu yidhi Guddoomiyaha SONSAF ku yidhi warsaxaafadeedkiisa.