Djibouti(ANN)-Shirka wada hadalada u dhexeeyay dhinacyada Somaliland iyo Soomaaliya ee ka socday dalka Djibouti, ayaa bur-buray, kaddib markii laysku mariwaayay qodobada laga wada hadlayay ee loo saaray guddiyada farsamo ee labada dhinac.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Xannaanada Xoolaha Somaliland, Siciid Sulub oo ka mid ah wefdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana xubin ka ah guddida farsamada ee Somaliland metelaya, ayaa xaqiijiyay in lagu kala kacay shirka ay labada dhinac ku wada hadlayeen ee ka socday dalka Djibouti.

Siciid Sulub, oo waramay caawa fiidkii Telefishanka BulshoTV, wuxuu sheegay in gebi ahaanba ay bur-bureen wada hadaladii, kaddib markii sida uu sheegay laysku mariwaayay qodobada qaarkood.

“Caawa Todobadii ayaanu ku kala kacnay, waxa ugu waaweyn aannu isku diidnay waa qodobo odhanaya “siyaasiyiinta Muqdisho Hargeysa ha yimaadeen, kuwa Hargeysana Muqdisho ha tageen” iyo waxyaabo kale oo la xidhiidha arrimaha caawimooyinka oo ay doonayaan in ay siyaasadeeyaan, markaa dalka ayaanu kusoo laabanaynaa.” Ayuu yidhi.

Wasiir Siciid Sulub, waxa kale oo uu sheegay in aannay dhinaca Soomaaliya wax cad la iman madasha oo ay u muuqdeen niman aan diyaar ahayn, wuxuuna mar la weydiiyay in ay sidaa kusoo noqonayaan oo ay halkaa ku fashilmeen wada hadaladii oo ay go’aankaa qaateen iyo in ay dib isugu laabanayaan, wuxuu yidhi, “Hada waxa isku maqan qoladii dhex-dhexaadinta ee Madaxweynaha Dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo xubnaha kale, markaa jawaabta ay na siiyaan ayaanu go’aanka u danbeeya ka sugaynaa waxay noogu soo jawaabaan.

Mar la weydiiyay hadalkii maalintii u horaysay ee ay tageen dalka Djibouti guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ku sheegay ee ahaa in wada hadalkii bur-buray, wuxuu yidhi, “Saleebaan waa siyaasi rug-cadaa ah oo khabiir ah, wuxuu markaaba arkayay in aannay waxba kasoo socon qolada aannu wada hadlaynay, markaa arrinta ayuu sii arkayay sidii uu saadaalinayayna way noqotay, markaa hadlkaa guddoomiye Saleebaan wuxuu ahaa xaqiiq dhab ah.