gudidawadahadalada2Istanbul(ANN) Wadahadalkii u dhexeeyey dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya oo la filayay inay ka furmaan magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga Axaddii shalay, ayaa gebi ahaanba burburay, waxaana guuldaraystay dhex-dhexaadin dawlada Turkigu ku doonaysay in aan lagu kala dareerin wareegii sideedaad ee wadahadalada soo taxnaa oo ka furmi lahaa dalkeeda.

Ergada dhinaca Somaliland ee uu hoggaaminayay wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaaa diiday inay hor fadhiistaan ergada dhinaca Somalia oo ay ku jiraan xubno kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo ay sheegeen in markii lagu guuldaraystay in lasoo beddelo ay hadda diyaar u yihiin inay kusoo laabtaan dalkooda sidaana lagu kala dhaqaaqo.
Kulamo gooni gooni ah oo socday ilaa shalay, isla markaana ay lahaayeen guddidayada labada dhinac u metelaya wadahadalka ee Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa ku dhamaaday natiijo la’aan, iyadoo
masuuliyiinta dalka Turkiga oo fidiyey martiqaadka wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, dedaal u galeen sidii labada dhinac la isugu soo dhawayn lahaa, kadib kulanno ay si kala gaar ah ula yeesheen guddiyada labada dhinac, balse weftiga ka tegay Somaliland, ayaa ku adkaystay in aanay miiska wadahadalka la fadhiisan ergada Muqdisho ilaa inta xubnaha wasiirrada kasoo jeeda Somaliland laga soo beddelayo, balse guddida ka socda Soomaaliya oo xidhiidho la sameeyay madaxtooyada Villa Somalia ee Muqdisho, gaar ahaan madaxweynahooda Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku adkaystay in aanay ergada wadahadalka u qaabilsan ka saari doonin xubnaha ka soo jeeda Somaliland oo ay xuseen inay yihiin masuuliyiin metelaya, isla markaana wakiil ka ah dawladda Soomaaliya, wax shaqo ahna aan ku lahayn arrimaha Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in lagu guuldaraystay in xal loo helo arrintaa oo sida uu sheegay sababtay in lagu kala dareero wadahadaladii la filayay inay ka furmaan shalay Istanbul.

Wasiirka Warfaafinta Somalia Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jengeli iyo saddex xubnood oo kale ayaa ka mid ah wefdiga Somalia eek u sugan Turkiga, kuwaas oo dhamaantood kasoo jeeda Somaliland, isla markaana ay dawlada Somalia usoo wakiilatay inay u metelaan wadahadalada.

Kulanka dhicisoobay, ayaa ahaa kulankii 8aad ee noociisa ah ee dawladda Somaliland iyo Soomaliya isku soo horfadhiis lahaayeen, waxaana la filayay in loo gudbo arrimaha siyaasada ee masiiriga ah sida uu dhigayay heshiiskii Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ay ku gaadheen magaalada Djibouti bishii Disembar 2014.

Waa markii 5aad ee Dalka Turkiga ee martigalinaya wadahadalka la filayay in lagu qabto wadahadlada, halka 3 kulan oo kale oo ka horeeyay ay ka kala dhaceen dalalka; Boqortooyada Ingriiska “Uk”, Imaaraadka Carabta “UAE” iyo Djibouti oo kulankii u danbeeyay labada Madaxweyne ku dhexmaray Desmber 2014, balse hadda waxa muuqata in aanay wadahadalada oo muddooyinkan danbe cagga-jiid ahaa sii soconayn. Haddii aanay dawladaha reer galbeedka ee dabadda ka riixyay door dhex-dhexaadin iyo isu soo jiid ah ka ciyaarin, iyadoo gebi ahaanba Dawlada Turkigu ku guuldaraystay inay isu soo jiido, taas oo u muuqata mid fashilisay dhex-dhexaadnimada Turkiga ee wadahadalada oo marka horeba farta lagu fiiqayay.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews