Araweelo News Network

Maayirka magaalada Burco. Maxamed Cabdiraxmaan Muraad

Maayirka magaalada Burco. Maxamed Cabdiraxmaan Muraad

Birco(ANN)Maayirka magaalada Burco Md. Maxamed Cabdiraxmaan Muraad, ayaa shaaca ka qaaday in ay maxkamadda kaga socoto dacwad ay ku oogeen dad uu sheegay inuu ka diiday laaluush ay siinayeen.
Maayar Muraad oo ka hadlayey kulan uu Komishanka Maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka Musuqmaasuqa Somaliland qaybaha bulshada Burco u qabtay, kaas oo qayb ka ah wacyigelin dadweynaha dalka laga siinayo dhibaatada musuqa, waxa uu sheegay in aan isaga lagu soo helayn habayaraatee wax lacag ah oo laaluush loo siiyey, isla markaana dad uu ka diiday laaluush ay doonayeen inay siiyaan ay dacwad kaga fureen maxkamadda.
“Aniga reer Burco ii sheeganmaysaan laaluush oo odhaysaan Maxamed Muraad baanu laashuush siinay oo waxaa noo sameeyey, Ilaahay baanan hore uga magangalay in aanan reer Burco laaluush ka qaadan, kashayda kuma ogi $10 dollar nin odhanaya waan siiyeyna ma jiro, laakiin waxaan idiin sheegayaa annaga kuwii laaluushka noo keenay ee aannu ku diidnay waabay na ashkateeyeen oo hadda maxkamad baaba nagu socota Ilaaha wayn baan ku dhaaranayaaye maantadan ayey maxkamadi nagu socotaa,” ayuu yidhi Md. Maxamed Muraad.
Maayarku waxa uu tilmaamay in reer Burco iska war hayaan oo shacabku kala garanayaan masuulka ka qaata laaluushka iyo ka diida, waxaannu ugu baaqay madaxda xilalka dawladda ka haya inay ka waantoobaan qaadashada musuqan oo saamaynta dhibaatadiisu aanay ka hadhayn if iyo aakhiraba, waayo, buu yidhi, “Dadnimadaada, qofnimadaada, damiirkaaga, go’aankaaga, maamulkaaga iyo madaxnimadaada intuba eber bay noqonaysaa maalinta qayrkaa wax kuu dhiibo, wax qiimo ah oo aad yeelanaysaa ma jirto, intaad nooshahay uun ceebtu kulama soconayso ee xataa markaad dhimato way raacaysaa oo wax lagaa dhaafayo maaha.”
Waxa kaloo uu ka sheekeeyey dhawr qiso oo ku saabsan waxa kala qabsaday isaga iyo dad kala duwan oo isku dayey inay siiyaan laaluush si uu ugu fuliyo dano ay lahaayeen.
Isagoo arrimahaa ka hadlanayeyna waxa uu yidhi, “Anigoo habeen fadhiya huteelka Plaza ayaa nin la is yidhi wuu dhegaysanaa oo la ii soo xulay ii yimi, habeenkaa afar doollar ayaa moobilkayga ku jirtay, magaaladana lacagi iimay oolin, isaguna lacagta uu ii siday laba guri oo waawayn bay dhisaysaa, waxa la iga doonayeyna wax sidaa u sii waynba muu ahayn, kadibna waxaan ku idhi hebelow Wallaahi afar doollar baa moobilka iigu jirta, caawa habeen aan uga jilicsanahay lacagna ma garanayo, laakiin taa qaadan maayo (lacagtii laaluushka). Meeshii caynkaa ahayd (dhul laaluushka loo siinayey) iyadoo aanan cidna laaluush ka qaadan, nina aanan wax kaga doonayn ayaa saddex ama afar mitir oo ay iga doonayeen Ilaahay raaciyey sahamintii magaalada, anigu habeenkaa kontan kun oo doollar ayaan iska qaadan lahaa, kadibna kii i siiyey wuxuu odhan lahaa waa kaa.”
“Habeen kale ay Ciid ahayd anigoo fadhiya halkan Dahabshiil agtiisa, anigoo maayarkii magaalada ah dan kamaan lahayn dharka Ciidda ee carruurtayda, laakiin lix carruur agoon ah oo walaalkay dhalay wax aan ku ciidsiiyo habeenkaa umaan hayn, kadibna nin baa ii yimi aan qandaraas siiyey oo igu yidhi guddoomiye ii soo yar kac oo markii aan gaarka ugu baxay ayuu yidhi ‘intan yar baan kuu sidaaye hoo, kolay caawa waa habeen Ciid ah oo carruurtiina ciid bay kaaga baahan tahaye,’ waxaan ku idhi ‘hebelow, horta lacagtaa aad i siinayso caawa waxba igaga helimaysid, diidmada aan kugu diidanayana waxba kaaga baaqanmaayaan ee sidii aan kuu ahaa baan kuu ahaanayaa, caawana labaataneeyo qof baan masuul ka ahay oo Wallaahi in aanan hayn boqol dollar oo aan ku ciidsiiyo.’ Markii uu iga tagay ninkii wax ka yar saacad gudaheed, ayaa inan yar oo aannu habro-wadaag nahay uu ila soo hadlay oo uu igu yidhi halkaad joogto igu sug, wuxuu i siiyey lacag kun iyo afar boqol oo doollar ah, markiiba waxaan lacagtii u geeyey agoontii iyo carruurtaydiiba,” ayuu yidhi Maayar Muraad.
Ugu dambayntii waxa uu ku dooday inuu leeyahay awood uu ku heli karo xaddi kasta oo lacag ah, balse uu ka baqayo dhibaatadeeda, “Maanta maayarkii Burco ayaan ahay oo haddaan doono hal milyan oo doollar waan helayaa, waxaanse ka doortay in aan qofna aniga koor i dabaqaadin oo maalinta aan halkaa ka tago la odhan Maxamed Muraad baanu laaluushkaa siinay,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Maayarka degmada Burco Maxamed Muraad.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380