Burco(ANN)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici, ayaa Xarunta gobolka Togdheer ee Magaaladda burco kaga qayb galay munaasibad lagu xusayay 60-guurada ka soo wareegtay markii ay Somaliland xorriyaddeeda  ka qaadatay Boqortooyada Midawday ee United Kingdom. 26 June 1960.

Munaasibadaa, waxa Madaxweyne ku xigeenka ku weheliyay Wasiirka Waxbarashadda, Wasiirka Shaqo gelinta iyo Mas’uuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan iyo maamulka gobolka.

Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici oo munaasinada khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay Midnimadii lagu hungoobay iyo is raacii dhex maray Somaliland iyo Somalia oo 1-dii bishii July ee 1960 gobonimadeeda ka qaatay guumaystaha Talyaaniga isagoo sheegay inay umadda Somaliland ka dhaxashay burbur iyo khasaare baaxad leh kaas oo sababay in halgan qadhaadh kadib lagu go’aamiyey Magaaladda burco dib ula soo noqoshadda madaxbannaanida JSL.

Sidoo kale, waxa munaasibada iyo ahmiyada ay leedahay ka hadashay Marwo Hinda Gaandi oo ka sheekaysay, dhibaatooyinkii laga dhaxalay midnimadii ay Somaliland la gashay 1 July 1960, Koonfurta Soomaaliya ee Talyaanigu gumaysan jiray.

Dhinaca kale Munaasibad xuska 26 June, ayaa si wey loogu xafladeedyay gobolka Awdal ee Magaaladda Boorama iyo magaalooyin kale.

Munaasibada xuska ee lagu qabtay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, waxa ka qaybgalay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Wakiilladda, Axmed Yaasiin Sh Cali Ayaanle, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore, Wasiirka Horumarinta Jiddadka iyo Mas’uuliyiin kale.

Masuulyiinta ka hadlay munaasibada, ayaa Shacabka Magaaladda Boorama uga waramay Taariikhdii ay Maalintani lahayd, israacii aan sharciga ahayn ee dhex maray JSL iyo Somalia iyo dhibaatooyinkii ka dhashay ee sababay in Somaliland dib ula soo noqoto madax-banaanideedii 18 May 1991, shirkii Burco.

Waxayna  Shacabweynaha reer Somaliland ugu baaqeen inay Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi ku taageeraan wada hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya si looga midho dhaliyo qaddiyada qarankani halganka ugu jiro oo ah in Jamhuuriyadda Somaliland ay aqoonsi buuxa ka hesho dunnida inteeda kale.

Dhinaca kale, weriyayaasha shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa soo sheegay in  Xaflado ku saabsan xuska qaran ee 26 June ka dhaceen Magaalooyinka waaweyn ee dalka sida Laascaanood, Ceerigaabo, Berbera, Gebilay iyo deegaamo kale.