Hargeysa(ANN)-Suxufi Cabdimaalik Muuse Coldoon oo muddo sannad iyo dheeraad ah xidhnaa xabsiga, ayaa maanta xoriyadiisa dib u helay, kaddib markii uu madaxweynaha Somaliland cafis u fidiyey.

Sii deynta Coldoon, ayaa ka dhalatay marki ay arrintiisa kala hadleen Madaxweyne Biixi Salaadiin iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro,

Coldoon oo markii la sii daayey kaddib saxaafadda la hadlay, ayaa gebi ahaan ka cudur-daartay inuu ka hadlo sababihii xadhiggiisa, wuxuuna sheegay in marxalada xilligan ee lagu jiro awgeed aanu diyaar u ahayn inuu hadda ka hadlo.

Maxkamadda gobolka Hargeysa sannad ka hor ku xukumay saddex sanno oo xabsi ah kaddib markii lagu eedeeyay inuu aflagaado u geystay madaxda Somaliland iyo faafitaanta warar been abuur ah oo ka soo horjeeda qaranimada dalka.

Madaxweyne Biixi, ayaa marar baddan oo hore laga codsaday inuu Cafiyo, maadaama uu hawlo samafal inta baddan ka shaqayn jiray, balse waxa laga reebay dhawr cafis oo Madaxweynuhu bixiyay oo ay ka faa’idaysteen maxaabiis baddan.

Sidoo kale, waxa xadhigiisa dhawr jeer ka hadlay Hay’addaha xuquuqda Aadamaha iyo dad kale oo Somaliland ah, kuwaas oo ku jiraan suxufiyiin, siyaasiyiin iyo madaxdhaqameed.

 

Muuqaalkan ka Daawo.