Araweelo News Network

Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Group, Cabdirashiid Maxamed Siciid (Dahabshiil),

Djibouti(ANN)-Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Group, Cabdirashiid Maxamed Siciid (Dahabshiil), waxa uu ka mid ahaa madax iyo ganacsato waaweyn oo lagu marti-qaaday ka qayb galka furitaanka Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Caalamiga ah ee ka caaggan cashuuraha ee Afrika u weyn, oo qaybtii u horreysey laga daahfuray dalka Jabbuuti magaala-madaxdiisa Jabbuuti Khamiistii, 5 July 2018.

Laanta Afsoomaaliga ee BBC’da ayaa Cabdirashiid toyatey bal inuu wax uga tibaaxo faa’idooyinka Afrika iyo, gaar ahaanba, ganacsatada Soomaalida uga soo kordhaya aaggan Ganacsi ee haatan qaybihiisii u horreeyey la furay.

Waxa uu Maamulaha Guud, Cabdirashiid, sheegay in Suuqani uu guud ahaanba aad ugu fududaynayo ganacsiga laba-aflaha ah ee ka dhexeeya ganacsatada Afrika iyo ganacsatada la macaamisha ama xidhiidhada ganacsi hadda wada leh ama uu ama berri-ka-maalin ka dhex abuurmi karo.

“Aaggan Ganacsioga Xorta ah (Djibouti International Free Trade Zone – DIFTZ) waa alaab kale oo u furmay ganacsatada iyo ganacsiga Afrika, iyada oo uu agabkii dhulka fog loo doonan jirey uu u soo dhoweynayo, oo halkan laga heli doono, iyada oo aan tacabkii ku bixi jirey iyo safarradii dhaadheeraa jirin,“ ayuu yidhi Cabdirashid.

Waxa uu Cabdirashiid ku cabbiray fursadaha uu Aaggu ku soo kordhinayo ganacsiga Waa cusub oo hor leh oo u beryey ganacsatada Afrika oo si dhab ah ugu xidhmaysa caalamka.

“Waxa kale oo aad ugu dhib yaraanaysa ganacsatada u sii gudbineysa alaabooyinka halkan lagu kala gato Afrika inteeda kale oo ay u heli doonaan marinno aan kaba fogeyn suuqyadoodii ganacsi iyo macaamiishoodii,” ayuu ku daray Maamuluhu.

Waxa Maamuluhu tibaaxay in aan weli ganacsatadu ay xor u yihiin ciddii kale ee ay la macaamilayaan caalamka oo aanay ku khasbanayn inay ku tolmaan ganacsiga iyo ganacsatada Shiinaha oo suuqan dhuistay, kana kaalineysa Dawladda Jabbuuti, hase yeeshee ay haddaba jiraan ganacsi baaxad leh oo Afrika iyo fdalkaa ka dhexeeya.

“Ganacsato badan oo aan la yaraysan karin o reer Afrika ah oo ay dhib iyo kadeed ku ahayd inay meelo dhaadheer u safraan ayaa jirey, ganacsina la wadaaga dal weynahan. Ganacsatadu wixii halkan ay ku kala iibsato waxa ay lacagaha isu marinayaan Bangiyada heer caalami iyo hay’adaha lacagaha isu gudbiya ee haatanba ka jira dalkan Jabbuuti sida East Africa Bank iyo Dahabshiil,’ ayuu yidhi Maamule Cabdirashiid.

Waxa uu Cabdirashiid tilmaamay in faa’iidooyin badan ay ugu jirto dalka Jabbuuti oo gaadiidkeedii, dekedaheedii, shaqaalaheedii, hudheelladeedii, Bangiyadeedii dhammaan la isticmaalayo hase yeeshee agabka ama badeecooyinka Aagga imanayaa ay yigiin kuwo sii-gudbaya oo aan dalka geleyn, sidaana ay kaga badbaadeen cashuuraha tooska ah.

“Kharajaadka kale sida maraakiibta iyo gaadiidyada kale ee agabka keenayaa waa sidoodii hore oo wax walbi bilaash ma ah,” ayuu caddeeyey Cabdirashid.

Cabdirashiid Maxamed Siciid iyo Aamina Xirsi Mooge, oo can ku ah ganacsiga Afrika, siiba Geeska, ayaa ka mid ahaa Haldoorkii faalleeyey faa’iidooyinka baaxadda leh ee iskaashiga lagu ebyey aaggani xambaarsan yahay. Waxa ay door muuqda ku lahaayeen shirkadaha Dahabshiil Group furitaankii Aagga Xorta ah iyo Carwo ku lammaanayd Khamiistii, oo uu xadhigga ka jaray Raiisal Wasaaraha dalka Jabbuuti, Cabdulqaadir Kaamil.

“Shirkadaha Dahabshiil iyo Bangiga East Africa Bank, waxa ay sidii looga bartay iyo si ka mug wenba uga qayb qaadanayaan kobcinta dhaqaalaha dalalka ay ka furan yihiin, sida Djibouti, “ ayuu ammintaa ka tilmaamay Cabdirashiid goobtaasi.

Waxa uu Cabdirashiid ku ammaanay madaxda iyo hoggaanka dalka Jabbuuti aragtiga fog ee midho dhalka ah ee ay horseedka ugu yihiin koboca iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee dalkaasi, oo Iskaashiga Dhaqaale ee Shirkadaha waaweyn ee dalka Shiinaha iyo Jabbuuti ee suurtgeliyey aaggan ganacsi uu qayb mug leh ka yahay.

Waxa furitaanka Aagga ka soo qayb galay Madaxweynaha dalka Rwanda, Pual Kagame, oo ah Guddoomiyaha Ururka Afrika ee African Union (AU) ee xilligan, Madaxweynaha dalka udan Cumar Xasan Al Basher, Madaxweynaha Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Raiisal Wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed iyo Mousa Fakki Mahamat, oo ah Guddoomiyaha Komishanka AU.

Aagga Ganacsiga Xorta ah, waxa qayb-horaadkan Khamiistii la furay dhan yahay 240 hektaar. Waxa ku talogalku yahay inuu dhismaha Aaggu ku soo gebageboobo 10 sannadood, uuna baaxad ahaan gaadho 4,800 oo hektaar (40 kmSq), ayna ku bixi doonto ilaa 3.5 billion US Dollars, oo ka dhigi doona Aaggan kan Afrika u weyn ee noociisa ah.

Hirgelinta Suuqan waxa gacanta u weyn ku leh, marka laga yimaaddo Jammuuti oo Saamiga u weyn ku leh China Merchants Group (CMG), Dalian Port Authotiry iyo shirkadda u weyn Dhaatada ee Shiinaha ee loo yaqaan IZP.
Durba ilaa 21 shirkadood oo waaweyn ayaa xarumo ka furtay Aagga, oo ay ka mid yihiin kuwo Afrika laga leeyahay iyo kuwo Shiine ahba.

Furitaanka Aagga Ganacsi ee Xorta ah, waxa ku ladhnaa furitaan kale oo aad u saamayn badan oo loogu magic daray Africa-China Economic Forum ama Wadatashiga iyo Carwo-Ganacsiyeedka Africa iyo Shiinaha ee Dhaqaalaha oo uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gheelle furay maalinimadii Jimcaha ee 6 June, 2018.

Carwada iyo bandhigyadii weheliyey, oo uu door muuqda ku lahaa, Bangiga Dahabshiil ee East Africa Bank, ee xaruntiisa u weyni tahay Jabbuuti, waxa loo asteeyey in ay ku kulmaan ganacsatadu, gaar ahaan kuwa Shiinaha iyo Afrika