Nairobi(ANN)- Warbixin lagu daabacay Wargeyska caanka ah ee Dailymail oo ka mid ah Wargeysyada ugu caansan ee kasoo baxa Dalka Britain ayaa daabacay todobaadkan warbixin xanbaarsan walaac iyo murugo oo la xidhiidha khatarta Cabitaanka Coca-cola.


Warbixntaa oo iftiimisay sida hooyooyinka Kenya ay carruurtooda ugu dilaan Coca-Cola si ay nolosha u dhaafiyaan, marka aanay ddoonayn Ilmaha, waxa soo saartay Koox Xuquuq Aadamaha u ololaysa oo warbixinta ku sheegay khatarta iyo dhibaatada Ilamaha layska soo rido ee loo adeegsado Cabitaanka Coca-cola.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Hooyooyinkani ku quudiyaan dhallaanka Coca-Cola ama biirka caleenta ah iyo cabitaanno kale oo jilicsan halkii ay caano siin lahaayeen, sababtoo ah ma doonayaan inay qaadaan mas’uuliyadda barbaadhintooda, ayaa lagu yidhi, warbintan oo la diyaariyay todobaadkii lasoo dhaafay.

Vincent Odhiambo, oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Aadanaha oo ku nool caasimadda Kenya ee Nairobi, ayaa yidhi, “Haweenka qaar ma awooddaan inay qoys yeeshaan, oo waxay caan ka noqotay bulshada dhexdeeda in ilmaha la siiyo Coca-Cola taasoo keentay in ilmuhu ku dhintaan sadax maalmood gudahood. Tiro aad u badan oo dhallaanka ah ayaa xogta lagu hayaa inay ku dhintaan qashin-qubka ama Webiyada oo ay si joogto ah uga helaan goob-joogeyaasha iyo shaqaalaha ku sigan.


Tirakoobka wali muu bixin qiyaasta tirada dilalka caruurta ee ku sugan bariga qaarada Afrika. Hase ahaatee Wilson Chiptu, oo ah qashin-qaade ah, wuxuu ka helaa qiyaastii 15 caruur ah oo dhintay sanadkasta qashin qubka halkaas oo uu ka wato meheraddiisa. Sida ku xusan warqadda, muddo hal toddobaad gudihii ah bishii May, maydadka siddeed carruur ah ayaa lagala baxay biyihii qashinka ka buuxsamay ee Nairobi oo ah Caasimada Dalka Kenya.

Warbixinta ayaa sidoo kale iftiimisay in haweenku ay iska soo tuuraan caruurta taasoo ah sababaha ugu badan ee keenta dhimashada hooyada iyo dhalaanka Kenya.


Dadka u ololeeya arrimaha ayaa sheegay in kiisaska ilmo soo rididda ay sameeyeen dhakhaatiirta aan la aqoonsan ay sare u kaceen sababo la xidhiidha yaraanta xarumaha caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka tan iyo markii maalgalinta Mareykanka ay hoos u dhacday maamulka Donald Trump.

Arrinta Ilmo soo rididda ayaa weliba khatar ku ah haweenka, sida lagu sheegay warbixinta, iyada oo toddoba haween ah ay dhintaan maalin kasta, sida laga soo xigtay Mary Stopes International, oo ah hay’add samafal oo ka shaqaysa caafimaadka dhanka haweenka. Illaa 350,000 oo haween Kenyan ah ayaa khatar ugu jira sannad kasta soo rididda ilmaha, iyadoo 21,000 oo haween ah loo dhigo Cusbitaal sannad walba arrintaa darteed.

Shirkadda Coca-Cola, ayaa dhankeeda si dadban u qirtay in cabitaankeeda uu awood u leeyahay inuu dilo caruruurta, taasoo ku tuseysa inuu halis weyn galinayo caafimaadka ama nolosha dadka waaweyn. Afahayeen u hadlay Coca-Cola ayaa yidhi:,“Warbixinadii ugu dambeeyay ee ku saabsan dhimashada dhallaanka cusub ee Kenya waa walwal badan,” Waan ognahay in cabitaannada fudud ay nabdoon yihiin ayna ka heli karaan dad badan oo adduunka ah. ” Si kastaba ha ahaatee waxaa si buuxda loogu oggolaaday in caanuhu ay yihiin waxa dhallaanku u baahanyahay oo ay ku jiraan macdanaha iyo Fiitaminada ay u baahan yihiin oo dhan. ”

Dhinaca kale Cabitaanka Coca-Cola, ayaa waxaa aad loogu iibiyaa Soomaaliya, waxayna dadku ka cabaan maqaaxiyaha laga cunteeyo, meelaha macmacaanada iyo dukuumada iyo sidoo kale munaasabadaha lagu qabto Huteelada waaweyn iyo goobaha xafladaha lagu qabto.

Dhibaatada foosha xun ee lagula dhaqmayo dhallaanka iyo uur-jiifku waxay ka turjumayaan sida foosha xun ee kala qaybsanaanta bulshada ee Kenya, iyo sidoo kale mabaadii’ la”aanta dadkaas.

Gunaanadka warbixinta xuquuqul insaanka ayaa xaqiijinaya burburka nidaamka anshaxa ee Kenya inuu aad usii batay, kaas oo kordhinaya denbiyada, rabshadaha iyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

Dadka Kenya ayaa waxaa ku socda dabar go’ badan waxaana maalin walba muwaadiniintooda ka dhintaa ay laba jibaar ka badan yihiin kuwa ku dhinta Soomaaliya oo ay shisheeye badan kusoo duuleen dagaalana ka socdaan.

Marka laga yimaado Kenya oo ay xaaladdeedu sidaa tahay ayaa dhawaan baahisay warbixin ka badbadis ah oo ay sheegtay inay kor ugu qaadeyso muwaadiniinteeda kuna yaraynayso dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan NFD.