Baarlamaanka SomaliaMogadishu(ANN)Fadhi ay lahaayeen Baarlamaanka Somalia, ayaa maanta lagu ansixiyay Xukuumadda Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo barnaamijka ay ku shaqaynay mudada yar ee u hadhay.
Raysal Wasaaraha Somaliya, ayaa ka codsaday Baarlamaanka inay codka kalsoonida siiyaan Golaha Wasiirada cusub.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo guddoominaayay kulanka Baarlamaanka, ayaa ku dhawaaqay in 191 Xildhibaano ay kalsoonida siiyeen Golaha Wasiirada, iyadoo 22 mudane diiday. Sidaana waxa lagu anixiyay xukuumadda Raysal wasaare Cumar Cabdirashiid oo tan iyo markii isaga xilkaa loo magcaabay dhawr dhismaha xukuumad uu magcaabay laba jeer dib ula noqday. Kadib markii ay mudanayaashu ku gacan saydheen inay kalsooni siinayaan.

Balse Markii sadexaad oo sidan oo kale caqabaBaarlamaanka Somaliad kaga timi Baarlamaanka, waxa sheegay inuu soo dhamaytirayo xukuumadiisa, taas oo ahayd xukuumadda Baarlamaanku ansixiyay waqtigan.
Xukuumadda cusub, ayaa ku sheegtay Barnaamijkeeda laga akhriyay Baarlamaanka inay dhamaystiray qorshaha loo dejiyay Somalia iyo sidii doorashooyin xor ah looga qaban lahaa marka la gaadho 2016, balse waxa lagu tilmaamay xukuumadda Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid mid aan rajo weyn laga qabin in ay wax ka bedesho xaalada Somalia, isla markaana hirgeliso dhamaystirka qorshaha Somalia ee 2016, iyadoo hawlaha baaxada weyn ee horyaal aanay noqonayn kuwo mudadaa kooban ku dhamaada.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com