Araweelo News Network

caruurtaallepo
Aleppo (ANN) Carruurta ku nool magaalada Aleppo ee dalka Suuriya, ayaa sameeyey qorshe ay ku yool-habaabiyaan duuliyeyaasha diyaaradaha duqaymaha dhinaca cirka ah ka fuliya magaaladaas maalin walba, iyadoo ubadka yaryar dareemeen haliska gantaaluhu ku hayaan nolosha bulshada ku dhaqan degaankooda.
Ciidammada xukuumadda Suuriya iyo diyaaradaha dagaalka ee dalka Ruushka, ayaa si joogto ah u duqeeya magaalada Aleppo oo ay ku xooggan yihiin dagaalyahannada mucaaridka ah ku ah dawladda, iyadoo go’doomin ballaadhan la saaray magaaladaas si aanay cid u gelin, cidna uga bixin.
Hase ahaatee, sida lagu baahiyey wargeyska Dailymail ee ka soo baxa Ingiriiska oo Jamhuuriya soo xigtay xalay, carruurta ku nool magaalada Aleppo iyo degaannada ku dhaw, ayaa la yimmi qorshe ah inay taayirro badan iyo waxyaabo balaastiga ku gubaan jidadka iyo xaafadaha magaaladaas si qiiqa iyo qaaca dabkaas ka dhasha oo cirka isku shareeray uu bartilmaameedka uga lumiyo diyaaradaha dagaalka ee duqaymaha ka fuliya.

caruurtalepotayirada
Sawirro iyo muuqaallo la soo bandhigay ayaa muujiyey qiiq madaw oo hadheeyey qaybo badan oo ka mid ah Aleppo, iyadoo muddada qiiqaasi taagan yahay ay yaraadeen duqaymaha diyaaraduhu ka fuliyaan magaalada, waxana la arkay carruurta yaryar iyo dadweyne u dabaal-degaya guusha ay ka gaadheen xeeladooda cusub ee ay kaga hortagayaan weerarka dhinaca cirka ee lagu qaado magaaladooda.

Qorshaha carruurta yaryar bilaabeen, ayaa laga dareemay magaalada Aleppo, balse, waxa jira xaafado iyo goobo magaaladaas ka mid ah oo aan ka badbaadin duqaymaha ay fuliyaan diyaaradaha Suuriya iyo Ruushku, waxaanna la doonayaa in xeeladaha qiiqa wata lagu fidiyo guud ahaan magaalada Aleppo.
Dhinaca kale, dawladdaha Ruushka iyo Suuriya, ayaa bilaabay dariiqyo loogu talogalay inay ka baxaan dadweynaha ku nool magaalada go’doonka ku jirta ee Aleppo, waxaanna la tilmaamay in ugu yaraan 200,000 (laba boqol oo kun) ilaa 400,000 (afar boqol oo kun) ay ku xayiran yihiin magaalada Aleppo oo ay muddo dheer ka talinayeen xoogaga mucaaridka ku ah xukuumadda Suuriya ee Madaxweyne Bashar Al-asad.