Araweelo News Network

gaadhiaandarweellahaynGaadhigii ugu horreeyey ee aan darawal wadin, ayaa lagu sameeyey dalka Singapore ee qaaradda Aasiya si uu u soo qaado rakaabka, ugana mid noqdo gaadiidka dadweynaha, kaasoo shaqadiisii ugu horreeyey bilaabay Khamiistii shalay.
Gaadhigan waxa awood u yeelan doona in ay fuulaan dad si gaar ah looga xulay shacabka, kuwaasoo telefoonnadooda casriga ah (smart phones) loogu shubay barnaamij ay ku dalban karaan gaadhiga, gaar ahaan tagsi si gaar ah uga hawlgalaya magaalooyinka ee dalka Singapore, sida ay sheegtay Shirkadda NuTonomy.
Gaadhigan oo aan darawal lahayn, balse isagu is wada, ayaa shirkado badan oo ay ka mid yihiin Google iyo Volvo ay tijaabiyeen bal sida uu ugu shaqayn karo waddooyinka dadweynaha muddo sannado ka hor ah, balse shirkadda nuTonomy ayaa sheegtay inuu yahay gaadiidkii ugu horreeyey ee si iskii isu wada ee shacabka loogu talagalay.
Waxa hadda la soo saaray lix gaadhi oo kaliya, iyadoo tobannaan kalena dhammaadka sannadkan la hirgelin doono, waxaanay ujeeddada ugu weyn tahay sida saraakiil shirkadda nuTonomy ka tirsan sheegeen in la helo baabuur iskood isu wada oo ka hawlgala dalka Singapore si ay uga shaqeeyaan magaalooyinka waaweyn sannadka 2018, haddii Ilaahay yidhaah.
Waxa gawaadhidan loogu talagalay in ay ka hawlgali karaan masaafo dhan 2.5 mayl oo laba jibbaaran, iyagoo qofka dhigaya, soona qaadaya meel cayiman oo loogu talagalay, waxaana shardi ah in qofka rakaabka ah uu dalab ka haysto shirkadda nuTonomy si uu adeegan u helo. Waxa ay shirkaddu sheegtay in dad tobanaan qof ah ay saxeexeen heshiiska, iyadoo la doonayo in bilo yar gudahood kumanaan qof la gaadhsiiyo dalabka iyo adeegan casriga ah.
“Ma rajaynayo in aan waqti ku gaadhno halka aan nidhi waan gaadhayna, balse wax badan baannu barnay, marka aad baabuur badan oo noocan ah waddada Singapore ku sii dayso waxa dhici karta in waddooyinka samxadeedu yaraato, waxaanad abuuri karta gawaadhi yaraan waxaanay beddeli doontaa sida dadku u dhexgalaan caasimadaha,” ayuu yidhi Agaasimaha Hawlgelinta shirkadda nuTonomy Mr. Doug Parker.
Agaasimaha Fulinta shirkadda nuTonomy oo la yidhaa Karl Iagnema ayaa tilmaamay in adeega baabuurtan ku xidhnaan doonto lacagta uu qofku bixiyo inta ay le’eg tahay, lana mid noqon doonta sida ay u shaqeeyaan tagaasida magaalooyinka, hadafkooduna yahay in qaaradda Eeshiya, Maraykanka iyo Yuruba ay ku fidiyaan adeegyada noocan ah.