Haldoor Hospital, wuxuu fariin Bushaaro ah u diray Geyiga Soomaalida iyo Dadyowga Geeska Afrika


Hargeysa(ANN)-Cusbitaalka Caalamiga ah ee Haldoor Hospital, ayaa ku guulaystay sagaal qof oo qalliino culus loogu sameeyay Maskamadda iyo Xangullaha, kuwaas oo ay fuliyeen dhakhaatiir Caalami ah oo lagu soo kordhiyay Cusbitaalka iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ah dhakhtarka caanka ku ah xanuunnada ku dhaca Maskaxda, xangullaha iyo Neerfayaasha oo isagu aasaasay Cusbitaalka Haldoor ee Magaalada Hargeysa.

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo dhakhatiirta lagu soo kordhiyay Cusbitaalka Haldoor ee qalliinka Maskaxda, Xangullaha iyo Neerfaha, 26 Jan 2020 Araweelo News Network.
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo dhakhatiirta lagu soo kordhiyay Cusbitaalka Haldoor ee qalliinka Maskaxda, Xangullaha iyo Neerfaha, 26 Jan 2020 Araweelo News Network.

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ah dhakhtar si weyn looga yaqaan geyiga Soomaalida iyo dunida kaleba, isla markaana ah Guddoomiyaha Cusbitaalka Haldoor, ayaa ka hadlay qalliinada lagu guulaystay iyo dhakhaatiirta cusub ee uu kusoo korrdhiyay Cusbitaalka iyo sidoo kale qalab cusub oo la keenay si loo fuliyo deegyada ay inta baddan dadku u doodnan jireen dibbeda ee ay ka mid yihiin Qalliinada Maskamadda, Xangulaha iyo neerfayaasha.

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo dhakhatiirta lagu soo kordhiyay Cusbitaalka Haldoor ee qalliinka Maskaxda, Xangullaha iyo Neerfaha, 26 Jan 2020 Araweelo News Network.
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo dhakhatiirta lagu soo kordhiyay Cusbitaalka Haldoor ee qalliinka Maskaxda, Xangullaha iyo Neerfaha, 26 Jan 2020 Araweelo News Network.


“Maanta farxad weyn ayay noo tahay in aan ku guulaysano inaan dhakhaatiir ka keeno, Jaamacadda ugu weyn Dalka Masar, weliba qaybta ugu saraysa ee qalliinada Maskaxda , Xangullaha iyo Neerfaha, waxaan heshiis lasoo galay Profisoorada ugu caansan dalka Masar ee Jaamacadda Al Azhar in si xidhiidh ah, oo midba mar imanayo.” ayuu yidhi, Dr. Gaboose.


Wuxuuna sheegay in maadaama ay aqoontan ahayd mid keligii uu ku joogay dalka, sidaa awgeed wuxuu sheegay inuu halkii uu mar hore bilaabi lahaa hawshan qaliinka Maskaxda, Xangullaha iyo Neerfaha uu raadinayay dhakhaatiir hawshan la gasha oo u qalma bulshadda.


“Waxaan muddo raadinayay dhakhaatiir noocan ah, si aan dadkaygu ugu keeno dhakhaatiir u qalma, waxaan diidayay inaan meelahan kasoo qabsado dhakhaatiir caadi ah, markaa waxaan maanta umadda ugu bushaaraynayaa inaan Haldoor Hospital ka furay qaybtaa billaabay xanuunnada Maskaxda, sida Burooyinka, Xuubabka dilaaca, Biyaha laga shubo iyo Dhiiga fadhiista iyo shilal la xidhiidho, dhammaan wixii loo xidhiidha Maskaxda ee qallliin ah ee loo tegi jiray dibedda waxa maanta fulinaya Cusbitaalka Haldoor.” ayuu yidhi, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose.

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo dhakhatiirta lagu soo kordhiyay Cusbitaalka Haldoor ee qalliinka Maskaxda, Xangullaha iyo Neerfaha, 26 Jan 2020 Araweelo News Network
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo dhakhatiirta lagu soo kordhiyay Cusbitaalka Haldoor ee qalliinka Maskaxda, Xangullaha iyo Neerfaha, 26 Jan 2020 Araweelo News Network.


Sidoo kale, Guddoomiyaha Cusbitaalka Haldoor, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, wuxuu ugu bushaareeyay Bulshada Somaliland iyo geyiga Soomaalidaba in dhibaatooyinka soo gaadha Xangullaha ay qaliin ku samaynayaan, wuxuuna isagoo arrintaa sharaxaya yidhi, “Xangullayaasha Carjaw ayaa ku baxsan-karta, shil dhacay ayaa sababi-kara lafo bur-bura, dhiig ayaa ku furmi-kara, malax ayaa fadhiisan-karta, sida cudurka TB, qalqalooc ayuu yeelan karaa Ilmuhu ku dhasho, dhammaan arrimahaa Dhakhaatiirtan waa kuwa aan looga danbayn, mana aha inay caan ka yihiin Masar oo keliya ee waa kuwo laga aqoonsanyahay Maraykan iyo Yurub oo dhan, cidii u baahana waxay ka xaqiijin-karaan macluumaadkooda internetka, waana mid farxad weyn noo ah waqti dheer hanagu qaadatee inaan dalka keeno oo laga maarmo in xaaladahan caafimaad loo qabto dalal kale oo dibbeda ah.”

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo dhakhatiirta lagu soo kordhiyay Cusbitaalka Haldoor ee qalliinka Maskaxda, Xangullaha iyo Neerfaha, 26 Jan 2020 Araweelo News Network
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo dhakhatiirta lagu soo kordhiyay Cusbitaalka Haldoor ee qalliinka Maskaxda, Xangullaha iyo Neerfaha, 26 Jan 2020 Araweelo News Network


Dhakhtarka Caanka ah ee u dhashay Dalka Masar, Dr. Maaxamed Al Abad oo hoggaaminayay kooxda dhakhaatiirta ah ee kusoo biiray Cusbitaalka Haldoor, wuxuuna uga mahad celiyay Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, sida uu Cusbitaalka u qalabeeyay si dadweynaha loogu fuliyo adeegyada qaliinka ee Maskaxda, Neerfayaasha iyo xangulllaha.

Qaar ka mid ah dadka ka faa’idaystay qalliinada uu Cusbitaalka, ayaa ka mahad celiyay sida loogu guulaystay qalliinadii lagu sameeyay, waxayna ka bixiyeen jawaabo fiican oo rajo fiican.