Ceergaabo: Xafiiska Cashuuraha-Berriga ee Maxkamaddaha Gobolka Sanaag oo Xadhigga Laga Jaray

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Araweelo News Network | Associated Online Agencie 

Akhriso: 1 daqiiqo.

CEERIGAABO (ANN) – Agaasimaha Waaxda Cashuuraha-Berriga ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland, Maxamed Quule Aaden, ayaa xadhigga ka jaray dhismaha cusub ee Xafiiska Cashuuraha-Berriga ee Maxkamadaha Gobolka Sanaag.
Munaasabadda xadhigga lagaga jarayay xafiiskan cusub ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo adeegyada Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo ballaadhinta xarumaha ay hay’addu ku leedahay gobollada dalka.
Xafiiskan ayaa loogu talagalay in uu fududeeyo hawlaha la xidhiidha cashuurraha berriga, isla markaana uu bulshada iyo ganacsatada gobolka u dhoweeyo adeegyada Wasaaradda.
Agaasimaha Waaxda Cashuuraha-Berriga, Maxamed Quule Aaden, ayaa munaasabadda ka sheegay muhiimadda ay leedahay in la helo xafiisyo shaqo oo habboon, kuwaas oo kor u qaadaya hufnaanta iyo nidaamka maamulka cashuuraha.
Furitaanka xafiiskan ayaa sidoo kale imanaya xilli Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu ay waddo dadaallo lagu xoojinayo nidaamka cashuur-ururinta iyo dabagalka dakhliga gudaha.
Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa hore u bilaabay hawlo lagu kordhinayo adeegyada iyo xarumaha Cashuuraha-Berriga ee gobollada iyo degmooyinka, si loo gaadhsiiyo adeegyada maaliyadeed meelaha kala duwan ee Somaliland.
Araweelo News Network — Associated Online Agencies
Muuqaalka halkan ka Daawo: https://www.facebook.com/share/v/19Eu1obSKz/