Araweelo News Network

Benji (ANN)-Xukuumadda Dalka China ayaa ku canbaaraysay Maraykanka tallaabada cunaqabataynta ah ee dhowaan uu kusoo rogay Xukuumadda Dalka Ethiopia ee la dalanbaabiyay dagaalada naafeeyay dalkaa ee u dhexeeyay Jabhada difaaca dadka Tigray ee TDF iyo Ciidamadda Dawladda Federaalka ee ay taageerayaan malayshiyaadka iyo kuwa dawladda Eriteria.

Sarkaal u hadlay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Chine oo lagu magcaabo Zhao Lijian, ayaa Arbacadii si cad u canbaareeyay Tallaabada Madaxweyne Biden ee cunaqabataynta dalka Ethiopia, taas oo Mr. Biden ku dhawaaqay maalmihii lasoo dhaafay.

“Maraykanku maaha in ay farageliyaan arrimaha dalka Ethiopia, waa in ay ka shaqeeyaan sidii nabad iyo dib u heshiisiin looga samayn lahaa ee dagaalka loo joojin lahaa.”ayuu yidhi, Zhao Lijian oo la hadlay warfidiyeenka..

Dawladda Ethiopia, ayaa marar hore ku eedaysay maamulka Madaxweyne Biden inuu doonayo sidii loo bur-burin lahaa Ethiopia, balse masoo bandhigin wax cadaymo ah oo markhaati u noqonaya eeddahaa, waxayna ka dhega adaygtay xukuumadda Abiy ee dalka Ethiopia baaqyo nabadeed oo marar kal duwan loo jeediyay iyo weliba iyadoo indhaha ka qarsatay, isla markaana dhega ka furaysatay dhawaaqyada hay’addaha gargaarka ee doonayay in ay caawimo geeyaan gobolka Tigray oo xaalad ba’an oo bini’aadaminimo ka taagnayd tan iyo November markii ay duulaanka ku qaadeen gobolka Tigray Ciidmadda dawladda Federaalka oo kaashanaya kuwa dalka Eriteria iyo malayshiyaad ay hormood u yihiin kuwa Amxaarada.

Hase yeeshee TPLF, ayaa labadii bilood ee u danbeeyay duulaan ku qaaday inta badan deegaanka gobolka Amxaarada iyo Canfarta, waxayna qabsadeen dhawr magaalo pp istiraatiiji ah, iyagoo hore uga saaray deegaankooda ciidamadda huwanta ahaa.

Xaaladda ayaa si weyn dunidu ugu qaylisay, waxaana dagaalku ku faafay guud ahaan dalka Ethiopia, iyadoo ay fashilmeen dedaalo nabadeed iyo baaqyo la doonayay in lagu joojiyo dagaalka, kuwaas oo xukuumadda Abiy lagu eedeeyay in aannay dheg u dhigin, balse Maamulka  Madaxweyne Biden, ayaa markaa kaddib  todobaadkii u danbeeyay cunaqabatayn kusoo rogay xukuumaddaha  Ethiopia iyo Eritrea, isagoo sabab uga dhigay in ay ku foogan yihiin dagaalka dhiiga badan ku daadanayo ay malaayiin qof macaluul iyo qax waajaheen, sidaa awgeed waxa looga digay dhinacyada in ay aannay Washington ka laabanayn go’aankeeda ilaa miiska wada hadalka laysugu yimaado si colaadda loo joojiyo.

Beijing, waxay si adag u difaacay Xukuumadda Abiy, iyadoo maalgelin malaayiin dollar ah oo deyn ah ku leh dalkaa, waxayna noqotay deyn-bixiyaha ugu weyn ee  Ethiopia, oo ay ku leedahay $ 6.5 bilyan oo deyn ah,  taas oo u dhiganta 23% wadarta guud ee dakhliga  oo ah $ 27.8 bilyan, sida lagu sheegay xogta Bangiga Adduunka., sidaa awgeed waxay gaashaanka u daruuray tallaabo kasta oo ka dhan ah xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.

 

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.