Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo Hambalyo u diray shacbiga iyo dunida Islaam Ciidal Adxa awgeed

Ciid mubaarik, ciidal caafiya, kulu caam wa antum bikhayr.

Hargeysa(ANN)-Ciid mubaarik, ciidal caafiya, kulu caam wa antum bikhayr. Ciid mubaarik, ciidal caafiya, sidaa waxa lagu yidhi, dhanbaal hanbalyo ciidul Adxa oo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland shacbiga u diray.

” Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),  waxa uu ciidal adxa awgeed Hambalyo u dirayaa golayaasha qaranka, madax-dhaqameedka, culima aw-diinka, xisbiyada qaranka, dhammaan bulshada reer Somaliland iyo guud ahaan bulsho-weynta Islaamka ee dunida dalacadeeda ku kala nool, waxaanu munaasibada Ciidal Adxa awgeed Madaxweyne ku xigeenku uu shacbiga Somaliland leeyahay Ciid-Mubaarik, Ciidal-caafiya, kullu-caam wa-antum bikhayr.

Waxaanu ku simaha madaxweynuhu Illaahay ka rajaynayaa in uu ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo caafimaad qab, cibaado suuban, bash-bash iyo barwaaqo, inta bukta ee u jiifta xanuunada ee aan inala ciidayna waxa uu ALLE uga baryayaa inuu ka dulqaado Xanuunka, caafimaad taamana siiyo, intii dhimatayna ALLE u naxariisto una denbi dhaafo, isaga oo xujayda sannadkan ku hawlan gudashada waajibaadka Xajkana u rajeeyey inuu Ilaahay ka aqbalo cibaadada iyo camalka Suubban.

ALLAA MAHAD LEH 

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
Nasir Yusuf DahirDirector of the Presidential Media DepartmentHargeisa – Republic of Somaliland