Araweelo News Network

weriyahalaxidhayjaziiraMuqdisho (ANN)- Ciidammada ammaanka maamulka taagta daran ee Muqdisho, ayaa xabsiga u taxaabay laba weriye oo ka tirsan telefishanka caalamiga ah ee Aljazeera saqdii dhexe ee habeennimadii Arbacada.
Ciidanka Nabad-sugidda ee magaalada Muqdisho, ayaa xabsiga dhigay weriye Xamse Maxamed iyo sawir-qaade Nuur Maxamed oo telefishinka Aljazeera oo laga leeyahay waddanka Qatar uga soo.warrami jiray dalka colaaduhu naafeeyeen ee Soomaaliya.
Ma jiro war rasmi ah oo dawladda Soomaaliya ka soo saartay xadhigga suxufiyiinta ka hawlgala telefishanka caalamiga ee Aljazeera. Hase ahaatee, warar xogogaal ah ayaa xaqiijiyey in tallaabada lagu xidhay weriyeyaashu ka dambaysay kadib markii maamulka Muqdisho dhibsaday warbixin ay ka diyaariyeen dagaal khasaare ballaadhan geystay oo xoogagga Al-shabaab ku qabsadeen magaalada Afgooye oo ku dhow caasimadda maalintii Salaasada.
Labada suxufi ayaa la sheegay in ciidammada ammaanku ka qabteen duleedka Muqdisho xilli ay ka soo laabteen degmada Afgooye oo dagaal qadhaadh ku dhexmaray ciidammada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah dagaalyahannada kooxda Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday magaaladaas.
Weriye Xamse Maxamed ayaa warbixinno iyo barnaamijyo xiiso leh oo laga baahiyo telefishanka uu ka tirsan yahay Aljazeera inta badan ka diyaariya duruufaha nololeed ee bulshada danyarta ah ee ku dhawan Soomaaliya iyo guud ahaan wararka ku saabsan dagaallada iyo dhacdooyinka siyaasadeed ee ka socda dalkaas.