MACCA ALMUKARAMA(ANN)Ciidamada Amaanka ee sucuuiga ayaa layaab kala kulmay mid ka mid ah dadka xujaajta ah ee doonaya inay gutaan cibaadada Xajka. Kaddib markii Maamulaha Xarunta kormeerka caafimaadka ee Garoonka Boqor Cabdal-Caziiz ee magaalada Jiddah Cabdul-Qani Al-Maaliki ayaa sheegay inay farriin soo gaadhsiiyeen Hey’addaha qaabilsan ammaanka Garoonka, kuwaas oo shaki ka muujiyay nin u dhashay dalka Nigeria; kadib markii qalabka digniinaha bixiya ee garoonka yaalla uu bixiyay digniino xilligii ninkaas baadhitaanka la mariyay.

 

Ciidamada ammaanka ayaa markii hore ninkani uga shakiyay inuu qarsanayo walxo biro, ama macdan ka sameysan, hase yeeshee markii laga waayay ayaa waxaa loo yedhay kooxaha caafimaadka qaabilsan, si ay arrintani ula tacaalaan.



Baadhitaanno loo adeegsaday raajooyinka wax lagu sawirro kadib; waxaa la ogaaday in ninka Xaajiga ah oo ka mid ayaa xujaajta u dhashay dalka Niger uu Calooshiisu Maqas ku dhex jiro, iyadoo wareysi lala yeeshay uu ku sheegay in 15 sano ka hor qalliin lagu sameeyay, xilligaasna Maqaska lagu dhex ilaaway, isagoo beeniyay inuu arrintani ogaa.