Kismaayo(ANN)Ciidanka Kenya ee ku sugan Jubadda Hoose ee Kismaayo,ayaa khasaare soo gaadhay. Kadib markii Kolanyo gaadiid ah oo usii jeeday deegaanka Buulla Guduud ay jidgooyo u galeen koox ka tirsan Al-shabaab.

Warar laga helay deegaankaa ayaa sheegay in ugu yaraan 5 ka mid ah Askarta Kenya lagu dilay weerarkaa, isla markaana dhaawac soo gaadhay Askar kale oo ka mid aha Kolanyada Ciidanka Kenya.sidaana waxa sheegtay Al-shaabab oo sheegtay inay sii wadayaan weerarada sida uu Warbaahinta u sheegay Sheekh Cabdiraxmaan Xudayfa oo Walaayadda Jubooyinka u qaabilsan Al-shabaab.

Ma jiro war kasoo baxay dhinaca Ciidanka Kenya oo la xidhiidha warka Al-shabaab ku sheegatay inay Ciidanka Kenya kaga dileen jidgooyo ay u galeen Kolanyo ciidanka Milateriga oo usii jeeday deegaanka Buulla Guduud oo ka tirsan deegaanka Jubadda Hoose ee Kismaayo.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com