Hargeysa (ANN)- Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka Somaliland, ayaa si rasmi ah u bilaabay inay hawlgal ku fuliyaan gaadiidka Basaska ah ee aan fulin  amarkii ay hore ugu soo jeedisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, kaas oo ahaa inay gaadiidkooda ku xidhaan qalabka xakameeya xawaaraha Baabuurta qaada dadweynaha.

Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka oo kaashanaya Masuuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, ayaa hawlgal ka fuliyey kaantaroolada ku yaal jidadka caasimadda Hargeysa uga baxa gobollada bariga iyo galbeedka Somaliland, iyo kuwa goboladda kale Dalkka iyadoo halkaas lagu qabtay gaadiid badan, gaar ahaan basasba rakaabka u kala qaada gobollada dalka ee aan u hoggaansamin amarkii ahaa inay gaadiidkooda ku xidhaan qalabka lagu xakameeyo xawaaraha gaadiidka.

Mid ka mid ah Gaadiidka isaga goosha gobolada dalka oo taagan Kaatarool Magaalada Hargeysa, si loo hubiyo inuu ku xaha idhay qalabka Xawaaraha 7 Jan 2020 Araweelo News Network.
Mid ka mid ah Gaadiidka isaga goosha gobolada dalka oo taagan Kaatarool Magaalada Hargeysa, si loo hubiyo inuu ku xaha idhay qalabka Xawaaraha 7 Jan 2020, Araweelo News Network.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Somaliland Mr. Maxamed Cige iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Waddooyinka oo saxaafadda la hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlgallada ay bilaabeen gelinkii hore ee shalay.

 “Anigu Ciidanka Boolis ahaan, waxa aannu fulinaynaa awaamiirta ka soo baxay Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland oo shirkadaha gaadiidka ee dadweynaha bacadka wadhaya ee hore loo iclaamiyey, waxa aannu leenahay ha ka daayaan oo ha qaataan wixii sharci ah oo booyadaha oo iyaguna ugu dambeeya, Iska-rogooyinka waxa aannu anagu leenahay wixii sharciga khilaafa waannu qabanaynaa. Waxa kaloo aannu dadka u sheegaynaa oo aannu iclaamin doonaa baabuurta qaadka, booyadaha, Iska-rogooyinka, kuwaasna waxa loo qabtay muddo lixdan (60) maalmood ah inay ku qaataan qalabka xawaaraha lagu yareeyo, wixii lixdankaas maalmood ka dambeeya haddii ay ku soo qaadan waayaan wixii sharciga waafaqsan ayaa laga qaadi doonaa, haddii Ilaahay yidhaahdo.” Sidaa waxa yidhi sarkaal ka tirsan Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Somaliland.

Qaar  Mid ka mid ah Gaadiidka isaga goosha gobolada dalka oo taagan Kaatarool Magaalada Hargeysa, si loo hubiyo inuu ku xaha idhay qalabka Xawaaraha 7 Jan 2020  Araweelo News Network.
Qaar Mid ka mid ah Gaadiidka isaga goosha gobolada dalka oo taagan Kaatarool Magaalada Hargeysa, si loo hubiyo inuu ku xaha idhay qalabka Xawaaraha 7 Jan 2020 Araweelo News Network.

“Waxa aan dadweynaha u sheegayaa in haddii arrintaas ay dirawaliintu khalkhal-geliyaan oo ay qalabkaas khalkhal-geliyaan in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.”

Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka Somaliland iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo taagan Kaataroolka Magaalada Hargeysa, si loo hubiyo in Gaadiidka isaga goosha gobolada dalku ku xidheen Baabuurtooda qalabka Xawaaraha 7 Jan 2020 Araweelo News Network.

“Waxa aannu u sheegaynaa dadweynaha oo ay khasabna tahay in aannu kula shaqayno siyaasaddeeda iyo hawlaheeda, waxaanan maanta (shalay) u soo baxnay si aannu u dhimi lahayn, sidii aannu uga hubin lahayn xawaaraha gaadiidka, iyadoo la eegayo cidda qaadatay qalabkaas, sida ay u isticmaalayso.”

Marwo Ayaan Cabdicasiis Maxamed oo ah Agaasimaha Waaxda Buugaagta iyo liisamada ee Wasaaradda Gaadiidka oo halkaas hadal ka jeedisay, ayaa sheegtay inay waajib tahay in gaadiidku qaataan qalabka lagu xaddidayo xawaaraha gaadiidka, ciddii amarkaas u hoggaansami waydana laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka Somaliland iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo taagan Kaataroolka Magaalada Hargeysa, si loo hubiyo in Gaadiidka isaga goosha gobolada dalku ku xidheen Baabuurtooda qalabka Xawaaraha 7 Jan 2020 Araweelo News Network.
Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka Somaliland iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo taagan Kaataroolka Magaalada Hargeysa, si loo hubiyo in Gaadiidka isaga goosha gobolada dalku ku xidheen Baabuurtooda qalabka Xawaaraha 7 Jan 2020 Araweelo News Network.

“Maanta waxa aannu fulinaynaa oo hubinayaa in awaamiirtii ay sidooda u wada fuleen iyo in gaadiidka shirkadaha kala duwan ee rakaabka lagu wada xidhay qalabka xaddidayo xawaaraha gaadiidka, waxaanna la hubinayaa gaadiidka intay qalabkaas qaateen, haddana iska furay iyo gaadiidka aan weli isku xidhan qalabkan, waxayna mutaysan doonaan ganaax, waayo waqtiga la siiyey oo ku buuxay muddo saddex bilood ah oo hadda dhammaaday, waxayna tani daba socotaa sidii loo yarayn lahaa shilalka khasaaraha ba’an gaysta ee dalka ka dhaca.” Sidaa waxa tidhi Agaasimaha Waaxda Buugaagta iyo liisaamada ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Marwo Ayaan Cabdicasiis Maxamed.

Agaasimaha Waaxda Buugaagta iyo liisaamada ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Marwo Ayaan Cabdicasiis Maxamed oo taagan Kaataroolka Magaalada Hargeysa, si loo hubiyo sharciga Darawaliinta iyo in Gaadiidka isaga goosha gobolada dalku ku xidheen Baabuurtooda qalabka Xawaaraha 7 Jan 2020, Araweelo News Network.

Agaasimaha Waaxda Gaadiidka ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Muuse yuusuf oo isna halkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadayo gaadiidka aan u hoggaansamin muddada loo qabtay, waxaannu yidhi; “Sida aad arkaysaan shaqadu way socotaa oo Boorama-na way ka socotaa, Hargeysa-na way ka socotaa, markaa shirkadda gaadiidka ee muddadii aannu u qabanay ee aanu waraaqaha xarumahooda gaynaynay aan heshiiskii gelin ama qalabkii ka wareegaysanaysay maanta waxa ay Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinku ay ka qaadayaan tallaabo sharciga waafaqsan.