Hargeysa(ANN)-Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay in Ciidanka Somaliland ka goostay ee Puntland ku biiray, kuwaas  oo uu sheegay in aanay Qaranku waxyeelo mooyee aannu waxba ku qabin.

Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, oo maanta warbaahinta qaarkood kula hadlay Taliska Miiska Saraakiisha ee magaalada Hargeysa, waxa kale oo ka hadlay arrinta Col. Siciid Caarre, wuxuuna ku tilmaamay dembiile qaran oo dad laayay, isla markaana ay ahayd in la qasaaso, isagoo dhaliilay Odayaasha u doodaya eek u jiray xalinta arrintaa.

Mar uu ka hadlayay Taliye Taani, Ciidamada ka goostay Somaliland ee dhinaca maamulka Soomaaliya ee Puntland u wareegay, wuxuu sheegay inay jiraan Ciidamo baddan oo 25 sannadood deggaankoodii ku qaramaysnaa, isla markaana ay mushahar siin jireen, balse aanay qaranka waxba u qaban jirin, sidaa awgeed wuxuu sheegay in kuwaa tegey iyo kuwa kale ee tegayaba ay ku faraxsan yihiin, “Ciidankaa oo kharash waxaan ahayn aanu qaranku ku qabin ee iska tegey iyo kuwa kale ee tegeya looma baahna, haday tegi waayaana waanu eryi, sababtoo ah waxba qaranka umma qabtaan oo deegaankooda xataa waxba kama qaban jirin, waana ku faraxnahay inay iska tagaan.” Ayuu yidhi, Taliyuhu.

Dhinaca kale, wuxuu ka hadlay arrinta Col, Siciid Caarre, oo hore uga goostay Ciidanka Qaranka, isla markaana Jabhad hubaysan ku haysta Buuraha gobolka Sanaag.

Gen. Taani, wuxuu ku tilmaamay Col. Siciid Caarre inuu yahay Nin denbiyo ka galay qaranka oo dad shacab ah laayay oo ay ahayd in loo qisaaso, isagoo yidhi, “Wuxuu ku xidhnaa Miiska Saraakiisha isagoo Afar qof dilkood loo haysto, ragbaa u ololeeyay oo yidhi, halasiidaayo, Kiiskiisuna sidii ayuu u yaalaa, markuu halkaa Sanaag tegeyna, wuxuu dhacay Mushaharkii Ciidanka Qaranka, wuxuu tegey Puntland dadka uu gacantiisa ku dilayna tobban qof kama yara oo shacab iyo Ciidanba leh, waxaan arkayay Niman leh halasiidaayo waa geesiye, waxan leeyahay in laqaasaso ayay ahayd, goormuu noqday geesi ma markuu dadka laayay, kuwa u doodayaana waxa fiicnayd inay ogolaadaan in maxkamad la geeyo.” Ayuu yidhi Taliye Nuux Taani.