“Jaamacadda waxaan Leenahay Wasiiradana Bara sida Aduunka loola hadlo ee loola macaamilo” Eng. Faysal Cali Waraabe

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaraadka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ciiddanka Amaanka ku amaanay hawlgalo ay habeenadii u danbeeyay ka wadeen gudaha Magaalada Hargeysa iyo magaalooyin kale, wuuuxna sheegay inay ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigaan cadawga Somaliland.

Eng. Faysal, waxa uu sheegay in cadawga Somaliland badanyahay, wuxuuna Madaxweynaha usoo jeediyay in wax laga qabto oo lala socdo Jabhad uu sheegay in laga sameeyay deegaanka Buuhoodle.

Wuxuu ka hadlay halka ay marayso arrinta doorashooyinka, isagoo carabka ku dhuftay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo axsaabta mucaaradku meel wanaagsan marinayaan arrinta doorashooyinka.

Guddoomiye, Faysal, wuxuu tilmaamay in ay Somaliland u baahantahay in ay ka guddubto dhibaatada qabyaalada, isagoo sheegay in la dhaafay xilligii qofka lagu qiimayn lahaa qoladiisa, ama deeggaanka uu kasoo jeedo, isla markaana aan horumar la gaadhayn inta cunfiga qabyaaladu soconayo, sidaa awgeed wuxuu soo jeediyay in laga shaqeeyo sidii ay Somaliland u gaadhi lahayd horrumar ee dunida ula tartami lahayd ee hay’addaha dawliga ah loo dhisi lahaa,  taas oo uu sheegay in ay ku imanay in dadku is aamino, isla markaana ay helaan caddaalad iyo xaqsoor ay xukuumaddu ku hoggaamiso.

Eng. Faysal, wuxuu arrimahaa iyo kuwo kale kaga hadlay khudbad uu maanta ka jeediyay munaasibada dafcaddii 17aad ee Arday ka qalin-jebisay Jaamacadda Hargeysa, munaasibadaa oo ay ka qaybgaleen Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biiixi Cabdi, masuuliyiin xukuumadda iyo axsaabta mucaaradka ka tirsan, dublamaasiyiin iyo waalidiinta Ardayda munaasibada loo qabtay.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in aqoonta iyo qalinku shaqeeyaan oo waxa qaldan lagu saxo, cadaaladna wax lagu maamulo.

Halkan Ka Daawo Hadalka Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.