London(ANN)-Laacibka caanka ah ee u ciyaara kubadda kooxda Manchester United iyo xulka qaranka Faransiiska, ayaa dhowaan qaatay Diinta Islamka, wuxuuna intii lagu jiray Bisha Barakaysan ee Ramadaan Cimra u tegey Magaalada Barakaysan ee Mecca.

Ciyaartoyga oo warbaahinta dalalka reer galbeedku aad wax uga qoreen markii uu qaatay Diinta Islaamka ee suuban, isla markaana Ilaahay ku hadeeyay dariiqa xaqa, ayaa ka sheekeeyay  sida uu kusoo qaatay Diinta Islaamka iyo waxyaabihii u horseeday inuu muslim noqdo.

Wareysi uu siiyay wargeyska The Times oo kasoo baxa dalka Britain , wuxuu  ku sheegay in isaga aannu hore  muslim u ahayn,  balse hooyadii ay heysatay Diinta islaamka, wuxuuna xusay in ka hor intii aanu qaadan Diinta Islaamka uu su’aalo iska weydiiyay waxyaabaha ku khasbaya inuu islaam noqdo, balse markii uu su’aalahaa jawaabahooda helay ee uu  diinta Islaamka qaatay uu qalbigiisa xasilay oo ay ka hadheen wer-werkii iyo mushkiladihii hayay dhammaantood, isagoo yidhi, “”Diinta islaamku waxay iga dhigtay qof sidii hore ka wanaagsan”

Paul Pogba
Paul Pogba

Paul Pogba oo ah Ciyaartoy  caan ka ah fagaarayaasha Kubadda Cagta,  ayaa sheegay in uu muddo hore si weyn u damacsanaa  inuu ku biiro diinta islaamka, isagoo xilligaa billaabay inuu baadhitaan ku sameeyo Diinta si uu u fahmo, wuxuuna xusay in uu la socon jiray saaxibo badan oo ka dhaadhiciyay Diinta islaamka, isla markaana u muujin jiray niyad wanaag iyo soo dhowayn, isagoo yidhi, Markii la weydiyay sababta u horseeday in uu muslim noqdo,”waxaan leeyahay saaxibo badan oo islaam ah oo aan had iyo jeer sheekeysanno”.

Pogba waxaa uu sidoo kale sheegay in markii uu saaxibadii la tukaday salaadda uu si weyn u jeclaaday Diinta,  taas oo isla markaasna ka dhigtay qof islaam sax ah.

Bishii lasoo dhaafay, waxaa baraha bulshada lasoo geliyay Paul Pogba oo la sawiran difaaca kooxda Chelsea Kurt Zouma xilli ay acmaashooda cumrada ku gudanayeen magaalada barakeysan ee Mecca.

Waraysigaa, ayuu ku sheegay Paul Pogba in diinta islaamka ay bartay mahadcelinta iyo qaddarinta dadka kale, “Waxay Diinta islaamku ii horseeday isbeddel, qalbiga ayay ii dejisay, nolosheyda waxaa ku yimi isbaddal,  waayo hore umaan ahayn qof muslim ah,  inkasta oo ay hooyaday ahayd qof muslim ah, sidaa ayaan kusoo barbaaray, waxaan qaddariyaa qof kasta, Islaamka maskaxda ayuu ii furay, qof ka wanaagsan sidii hore ayuu iga dhigay, Islaamku wuxuu ina farayaa qaddarinta aadamaha” ayuu yidhi, Pogba.

Laacibka Paul Pogba,  ayaa ka mid ah tiirarka waaweyn ay ku taagan tahay kooxda Manchester United, waxaa uu ka Ciyaaraa  khadka dhexe, waa nin ay si weyn ay ugu faanaan taageerayaasha kooxda Manchester United.