dagalyahan alshababahMogadishu(ANN)Warbixin codad ah oo laga duubay kooxdii weerarka ka fulisay Xeradda Xallane ee Magaaladda Muqdisho, ayaa lasii daayay, iyadoo codadka qaar ka mid ah raggaa waqtiga laga duubay ay ahayd xiligii ay weerarka ku guda jireen.
Weerarkaa oo ahaa mid si weyn loo soo abaabulay, ayaa lala beegsaday Xeraddaa oo ah mid aad amnigeeda loo ilaaliyo oo Hoy u ahTaliska Dhexe ee Ciidamada AMISOM ee Afrikaanka, isla markaana ay Safaarado ku leeyihiin Dowlado baddan oo ay ku jiraan reergalbeedka, sida Ingiriiska, Talyaaniga iyo waddamo kale.
Al-shabaab ayaa hore u sheegtay in sababta ay bartilmaameedka uga dhigteen xeraddaa ay tahay, iyadoo ay Xafiisyo ku leeyihiin Hay’addo kuwa wax basaasa ah oo dhowr ah, kuwaas oo sida ay sheegeen ay ku jiraan CIA-da Mareykanka, MI6-ta Ingiriiska iyo MOSSAD-ka Yahuudda, isla markaana sida ay sheegeen goobta xerada uu ku yaal Xabsiga ugu weyn Soomaaliya ee dhulka Hoostiisa ah, kaas oo ay sheegeen inuu yahay mid mukhaabaraatka Maraykanka ee CIA-du u adeegsato tacadiyo iyo dhibaatooyin ay sheegeen in lagu hayo dadka muslimiinta ah.
Al-shabaab waxay qoraal saxaafadeedkooda ku sheegeen in Weerarka Lagu Qaaday Xerada Xalane uu ahaa mid aargudasho ah oo loogu aargudayay Amiirkii hore ee Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab Sh. Mukhtaar Abuu Zubeyr, kaas oo bishii September ee sanadkan ku shahiiday duqeyn Diyaaradaha Mareykanka ay ka geysteen Koonfurta Soomaaliya, Waxaana Bayaanka lagu sheegay in Talis laga hago howlgalada Diyaaradaha Drones-ka ee aan cidna wadin oo ku yaala Xerada la beegsaday ujeedadii weerarka laga laahaana fushay oo uu fariin cad u yahay AMISOM iyo wadamada shisheeye ee ay sheegeen inay kusoo duuleen Somalia.

Dhinaca kale Al-shabaab, ayaa shaaciyey magacyada xubnihii fuliyey weerarka xarunta ciidanka AMISOM ee Muqdisho oo taal xarunta millatariga ee Xalane, iyadoo arrintaasna lagaga hadlay warbixin laga sii daayey idaacaddooda Andulus shalay.
“Walaalkeen Nuur Idiris, loona yaqaannay Sahal waxa uu hoggaaminayey xubno loo qorsheeyey inay beegsadaan xafiiska saraakiisha AMISOM, wuxuuna Sahal u ahaa Amiir saddex walaal oo kala ahaa; Ibraahim Salaad, loona yaqaannay Aadam, Maxamed Sheekh, loona yaqaannay Cabdil-majiid iyo Cumar Siciid oo ku magac dheeraa Salmaan Al-muhaajir, waxana laba ka mid ah raggaas loo qorsheeyey inay laayaan saraakiisha AMISOM ee ku sugnaa goobta laga cunteeyo ee xarunta Xalane, halka walaalka kalena u samaynayey difaac. Marka ay hawshooda dhammaystaan waxa ballantu ahayd inay u jeestaan dhinaca xarunta kaydka shidaalka ee aadka loo ilaaliyo,” ayaa lagu yidhi warbixinta laga sii daayey idaacadda Al-shabaab ee Andulus, iyadoo warbixinta lagu soo qaatay codad ay duubeen qaar ka mid ah dagaalyahannadooda markii ay bilaabeen hawlgalkii xarunta AMISOM.
“Hal mid ah ayaan hadda dillay….imminkana laba kale ayaan dillay oo isku dar saddex ayaan gacantayda ku dillay.” Sidaa waxa yidhi masuulka hoggaaminayey dagaalyahannada Al-shabaab ee weerarkasaas fuliyey oo hadalkiisa si toos ah loo duubayey muddadii rasaasta iyo dagaalku socday ilaa intii aannu halkaas ku geeriyoon.
Waxa kaloo warbixintaas lagu sheegay, in saraakiil, askar iyo dad reer galbeed ah lagu dilay goobta laga cunteeyo ee xarunta AMISOM, iyadoo uu hawshaasna si toos ah u duubay dagaalyahan magaciisa lagu sheegay Ibraahim Salaad, loona yaqaannay Aadam, waxaannu yidhi; “Albaabka goobta lagu cunteeyo waxaannu kula kulanay nin gaal ah, kadibna soo gala ayuu nagu yidhi, namana uu garanayn oo ciidankooda ayuu noo qaatay, rasaastii u horreysayna isaga ayaannu ku dilnay, markii aannu gudaha u galnayna qaar badan oo kale ayaannu dilnay.”
Warbixinta Al-shabaab baahisay, ayaa lagu sheegay in hoggaamiyihii kooxda weerarka fulisay oo magaciisu ahaa Nuur Idiris Sahal noqday qofkii ugu hor dhintay dagaalyahankooda gudaha u galay xarunta AMISOM, waxay hore u sheegeen in xubnaha weerarka fuliyay qaarkood iyagoo nabad ah ku laabteen goobihii ay ka yimaadeen, balse warar kale ayaa sheegaya in xubnihii kale ee sarkaalka weerarka hoggaaminayay ee la dilay goobta ku wada dhinteen, kuwaas oo aan tiradooda rasmiga ah la oggayn, iyadoo Al-shbaab sheegatay guulo laga gaadhay weerarkaa oo bartilmaameedkii la doonayay ay abaareen kooxda weerarka fulisay, isla markaana lagu dilay weerarkaa Saraakiil AMISOM ka tirsan, Askar iyo Ajaanib sida ay sheegeen ka hawlgelayay xeradda Xalane.
Weerarka Kooxda, ayaa dhaliyay dareen baddan iyo shaki soo dhexgalay saraakiisha AMISOM, iyadoo kooxda weerarka fulisay ku Lebisnaayeen Dirayska Ciidanka Djibouti, waxayna arrintani sii xoojisay khilaaf u dhexeeyay saraakiisha AMISOM ee dalalka Uganda, Ethiopia, Djibouti iyo Brundi.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com