Washington, D.C (ANN)-Aqalka Wakiilada Maraykanka ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyay qaraar lagu cambaareynayo Madaxweyne Trump, kadib dhawaaqyo lagu tilmaamay cunsuriyad iyo hanjabaad oo uu ku weerarray Afar Haween ah oo ka tirsan Aqalka Kongaraeska Maraykaka

Donald Trump iyo hadalkii cunsuriyadda lagu tilmaamay ee uu ku yidhi, “Afar hablood oo ka tirsan Aqalka Kongaraska Maraykanka, taas oo abuurtay xiisad, isla markaana Madaxweyne Trump kala kulmay cannaan iyo dhaleecayn baddan.

Mooshinka ayaa lagu dhaleeceeyay “Haddalada cunsuriyadda ah ee lagu sharciyaynayo cabsi galinta iyo nacaybka dadka cusub ee Ameerikaanka ah iyo midabka dadka”

Madaxweyne Trump oo fariin soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa yidhi, “jidhkayga kuma jirto laf cunsurinimo”.

240 xildhibaan, ayaa ku codaysay codka ‘HAA’ halka 187 xildhibaaan ay ku codaysay ‘MAYA’, taas oo ka dhigan in 4 xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Trump kasoo jeedo iyo waliba xildhibaanka kaliya ee madaxa banaan Justin Amash ay codkooda ku biiriyeen dimoqoraadiyiinta, xildhibaanadaa waxa  ka mid ah ninka kaliya ee madoowga ah ee xisbiga Jamhuurigaka tirsan oo lagu magcaabo Will Hurd.

Madaxweynaha oo maalmihii lasoo dhaafay fariimo ku shaaciyay bogga uu ku leeyhay barta Twitter-ka,  ayaa Afarta haween ah oo kala ah Alexandria Ocasio-Cortez , Ilhaan Cumar, Ayanna Pressley iyo Rashida Tlaib u sheegay in ay iskaga noqdaan dalalkii ay ka yimaadeen, halkii ay dowladda Maraykanka u sheegi lahaayeen sida ay tahay in wax loo sameeyo.

Haweenka oo Aqalka Kongaraska kasoo galay Xisbiga Dimuqraadiga, 3 ka mid ah, marka laga reebo Ilhaan oo Soomaaliya ka tagtay yaraanteedii, waxay ku wada dhasheen Maraykanka. Xitaa Alexandria ayaa ku dhalatay degmo New York ku taala oo 12 mile oo kaliya u jirta halkii uu Trump laftiisa ku dhashay.

Waxyaabaha warbaahinta Maraykanka soo bandhigtay waxaa ka mid ah awooweyaashii Trump ay ahaayeen muhaajiriin kasoo jeeda dalka Jarmalka, halka xaaskiisa Malenia Trump ay jinsiyadda Maraykanka qaadatay mar aan fogeyn, waxaana xitaa la sheegay in Ilhaan ay jinsiyadda ka hor qaadatay Malenia.

Markii la meelmariyay qaraarka, xildhibaanka xisbiga dimoqoraadiga Al Green, ayaa diiwaangaliyay mooshin codka kalsoonida loogu qaadayo Donald Trump. Madaxda xisbiga ayaase diidan inay hore usii wadaan arrinka xil ka xayuubinta Trump xilli xubno badan oo xisbiga ah ay arrintaas ku baaqayaan.

Xildhibaanka mooshinka keenay oo kasoo gala gobolka Texas , ayaa Trump ku eedeeyay in xafiiska ugu sareeya Maraykanka usoo jiiday sharaf darro , kana dhigay meel lagu maadeysto.

Trump ayaa ka hadlay qaraarka la ansixiyay, isaga oo ammaanay midnimada xisbiga Jamhuuriga, wuxuuna markale weeraray hablaha Afarta ah oo uu ku eedeeyay inay wax xun ka sheegeen Maraykanka, iyo Israa’iil.

Qaraarka la meel mariyay, ayaa qoraya in dhammaan dadka Maraykanka, marka laga reebo dadkii loogu yimid meesha iyo kuwii Madowga ahaa ee addoonsiga loo keenay  ay yihiin muhaajiriin ama firkii dad muhaajiriin ahaa.

Waxa kale oo mooshinka lagu xusay in waddanimadu aanay  ahayn isirka qof, ee balse ay tahay hadba sida uu qofka u difaaco, amma xaqa uu  dastuurku siiyo  oo ku dhisan sinnaan, xoriyad, ka wada mid ahaansho iyo waliba dimoqoraadiyad

Xiggasho: BBC