Kooxda Qarsoon Ee Sheedda Ka Hagaya Faafitaanka Coronavirus

Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist

New York(ANN)-Dhakhtar sare oo ka tirsan qolka xaaladdaha deg-degga ah ee cusbitaalka Manhattan oo daweeyey bukaanno badan oo cudurka Coronavirus ah  la tacaalayay, ayaa haligtay nafteeda waxayna ku dhimatay fal is-miidaamin ah Axadii, sidaa waxa Booliska u xaqiijiyay aabaheed.

Dr. Lorna M. Breen, waxay ahayd dhakhaatiirta safka hore ee dagaalka ka dhanka ah COVOD-19, waxay xiligan ahayd agaasimaha caafimaadka ee qeybta gargaarka degdega ah ee cusbitalka NewYork-Presbyterian Allen, waxayse ku dhimatay Charlottesville, Va., Halkaas oo ay kula noolayd qoyskooda, Aabaheed sidaa ku sheegay wareysi uu bixiyay markii ay arrintan soo baxday.

Dhakhtarada, waxay ka shaqaynaaysay  cusbitaalka Manhattan oo lagula tacaalayay dadka bukaanka ah ee uu soo rito caabuqa Coronavirus, waxaana uu cusbitaalkaasi noqday kuwa ugu dhimashada badan ee cuddurka Coronavirus  oo si weyn dhirbaaxooyin xun-xun weli ula dhacaya Maraykanka iyo meelo kale oo dalalka Yurub ay hormood u yihiin.

Tyler Hawn, oo ah Afhayeen u hadlay waaxda booliska Charlottesville, wuxuu sheegay in ay  ka jawaabeen dalabka saraakiisha ee ahaa baaq loogu tala galay in lagu caawiyo haweenaydaa dhakhtarada ah, isagoo yidhi, “Dhibbanaha waxaa loo qaaday  Cusbitaalka si loo daweeyo, laakiin markii dambe ay isa sii dhaawacday sidaana ay ku dhimatay, ”ayuu yidhi Mr. Hawn.

Aabaha dhalay dhakhtarada, Dr. Philip C. Breen, ayaa sheegay inay sharrax ka bixisay dhacdooyin naxdin leh oo ku saabsan Coronavirus iyo sida ay ku qaadaan bukaannada la geeyo Cusbitaalada.”Waxay isku dayday inay shaqadeeda qabato, waana ay is dishay,” ayuu yidhi.

 Dr. Breen wuxuu sheegay in gabadhiisa uu ku dhacay cuddurka ‘coronavirus’ laakiin ay shaqada dib ugu laabatay ka dib markii ay soo kabatay muddo hal toddobaad iyo badh ah. Cusbitaalka aaya mar kale usoo diray gurigeeda, ka hor inta aannay qoyskeedu soo faragalin si uu u keeno Charlottesville, ayuu yidhi.

Dr. Breen waxay 49 jir, mana lahayn taariikh cudurka dhimirka, waxay ahayd mid ku adag Kiristaanimada, aabaheed ayaa sidaa yidhi. Laakiin wuxuu sheegay in markii ugu dambaysay ee uu la hadlo iyada, ay u muuqatay meel cidla ah, sidaa awgeed uu tilmaami karo, inay wax qaldan yihiin. Waxay u sharaxday bukaanno fara badan oo dhimanaya ka hor inta aan xitaa lagu qaadin Ambalaasyada.

Wuxuu sheegay in aannu hubin in loo ammaanay sida halyayga, isagoo yidhi, “Hubi in lagu ammaanay sida halyeeyga ah, maxaa yeelay iyadu waa khasaare sida qof kasta oo kale oo dhintay. ”

Qoraal kooban oo ay soo saartay NewYork-Presbyterian / Columbia waxay adeegsatay luuqadaas si ay u sharaxdo iyada. “Dr. Breen waa geesiyad u soo qaadatay himilooyinka daawada ugu sareysa safka hore ee waaxda gurmadka, ”ayaa lagu yidhi, bayaanka. Waxaan diirada saareynaa maanta sidii aan u taageeri laheyn qoyskeeda, asxaabteeda iyo sidii ay ula tacaali lahaayeen warkan inta lagu jiro waqtiga adag ee aan caadiga aayn.” Ayaa lagu yidhi, qoraalkaa.

Dr. Angela Mills, oo ah madaxa adeegyada caafimaadka ee xaaladdaha deg-degga ah ee dhowr xarumood oo ka tirsan NewYork-Presbyterian, oo ay ku jiraan Allen, ayaa email u diray hawl-wadeenada Cusbitaalka habeennimadii Axadda, iyagoo ka warramaya geerida Dr. Breen. E-maylka, oo ay dib u eegeysay The New York Times, ma sheegin sabab dhimasho. Dr. Mills, oo aan lagala xidhiidhi karin in uu faallo ka bixiyo, sida lagu sheegay email-ka in cusbitaalku u gudbinayo dalabka qoyska ee ilaalinta xog-dhowrka.

Dhinaca kale, waxa soo baxaya warar sheegaya in dhibaatada ugu weyn ee Maraykanka haysta ay sabab u yihiin kooxo is bahaystay oo ah saynisyahano iyo kuburo kale, ganacsato iyo siyaasiyiin doonaya inay xaaladda sii kiciyaan, taas oo sabab looga dhigayo dhimashada sii kordhay ee Maraykanka ee Coronavirus iyo faafitaankiisa.

Tobbaneeyo ka mid ah saynisyahannada ugu sareeya Maraykanka iyo bilyandheero ka mid ah Shirkaddaha warshaddaha ee sameeya dawooyinka iyo qalabka caafimaadka, ayaa lagu eedeeyay in ay leeyihiin jawaabta cuddurka faafitaanku ku baahay Maraykanka iyo dunida kale ee Coronavirus, kuwaas oo lagu dhaleeceeyay in ay heleen fursado dib-u-socod si ay qorshahooda ugu gaadhsiiyaan Aqalka Cad. Sida lagu shaaciyay Telefishanka Foxbusiness.

Kooxda EClectic-ka oo ah koox ka koobban shirkaddo waaweyn oo bixiya adeegyo Tegnooolojiyadda dhaqaalaha dunida, waxaa hoggaamiya 33-jir dhanka dhaqaalaha ah, oo lagu magcaabo Tom Cahill, oo ku nool meel aad uga fog indhaha dadweynaha, sida uu sheegay Foxbusiness, halkaas oo ah guri kiro ah oo ku dhow Fenway Park ee Boston.

Tom Cahill, oo ah hoggaamiyaha “Eclectic group, waxaa lagu tilmaamaa inuu leeyahay hal shay oo keliya, laakiin wuxuu leeyahay xidhiidho ku filan oo sarreeya, kuwaas oo u saamaxaya in uu si fududu saameyn ugu yeesho go’aamada dowladda Maraykanka ee dagaalka ka dhanka ah Covid-19.

Khuburada Saynisyahanada Maraykanka iyo taageerayaashooda ayaa ah Kooxda qarsoodiga ah ee saynisyahanada iyo bilyaneedharada riixaya Mashruuca Manhattan ee COVID-19, isla markaana ku qeexay shaqadooda inay tahay Mashruuca Quful-saarka Manhattan, “lockdown-era Manhattan Project,”, sidoo kale kooxdaa oo ah kuwa loogu yeedho, kooxda World Science II ee saynisyahano gacan ka geystay sameynta bambaanada atomikada. Waqtigan xaadirka ah, saynisyahannadu waxay isku diyaarinayaan sidii ay maskaxda uga shaqaysiin lahaayeen iyo sidii ay dhaqaale uag samayn lahaayeen si ay ugu mashquulaan fikradaha aan caadiga ahayn ee laga soo uruuriyay adduunka oo dhan.

Kooxdaan, oo shaqadooda aan hore loo soo sheegin, ayaa lagu eedeeyay in ay u dhaqamyaan sidii ay u dhex mari lahaayeen shirkaddaha dawooyinka ee raadinaya xidhiidkhka sumcad leh ee ay ka doonayaan go’aannada maamulka Trump. Waxayna ku shaqaynayaan meel fog oo ka hagayaan hawsha, iyagoo ah guddida dib u eegista cilmi baadhista Coronavirus, kuwaas oo ku mashquulsan daraasado cilladaysan ka hor inta aan la gaadhsiin kuwa sameeya, ama go’aamiya siyaasadaha.

Mid ka mid ah Khubarada saynisyahannada ee xarunta mashruucan, cilmiga Bayoolajiga Michael Rosbash, oo ku guulaystay abaalmarinta Nobel Prize 2017, ayaa yidhi, “Su’aal kama taagna inaan ahay kan ugu hooseeya aqoonta.”

Kooxda ayaa soo uruurisay warbixin qarsoodi ah oo ka kooban 17 bog, taas oo ku baaqaysa dhowr arrimood oo aan caadi ahayn oo ka dhan ah fayriska COVID-19. Waxaana ku jira fikrad weyn oo tilmaamaysa in daaweynta bukaanada caabuqa Coronavirus, taas oo ah dawooyin awood badan oo hore looga isticmaali jiray cudurka Ebola, iyadoo ay jiraan qiyaaso badan oo tayo sare leh oo hore laysugu deyay, balse aan lagu guulaysan isku daygooda.

Dalka Maraykanka, ayaa noqday kii ugu dhimashada badnaa ee caabuqa Coronavirus ee dunida ku baahay, iyadoo Maraykanku diiwaan geliyay 1,303 dheeraad ah oo fayriska COVID-19, ah 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ilaa iyo Isniintii, waxaana kiisaska la xaqiijiyay ay gaadhayaan hal milyan, sida laga soo xigtay tirooyinka ay soo bandhigtay Jaamacadda Johns Hopkins.

Guud ahaan dalka Maraykanka, ayaa noqday kii dhimashada ugu badan uu sababay Coronavirus, iyadoo guud ahaan dadka ku dhintay inta la ogyahay ay gaadheen 56,144, kuwaas oo ka mid ah 987,022. Qof oo cuddurku ku dhacay ugu yaraan 111,109 qof ayaa soo kabtay.

Warbixinta lagu shaaciyay kooxdan, ayaa soo baxday, kadib markii laba todobaad ka hor ay shebekadda Araweelo News baahisay Apr 12th, 2020, warbixin ciwaankeedu ahaa, “Maraykanka: khuburada Sayniska, Xeel-dheerayaasha xannuunada Faafa Iyo Saraakiisha Caafimaadka Oo isku Murgay”, taas oo xanbaarsanayd xoggo iyo macluumaad si waadax ah u iftiiminaya dhacdooyinka xilligan ay baahisay Foxbusiness.  

Halkan ka Daalaco warbixinta laba todobaad ka hor Araweelo News Network baahisay.

AKHRI: Maraykanka: khuburada Sayniska, Xeel-dheerayaasha xannuunada Faafa Iyo Saraakiisha Caafimaadka Oo isku Murgay