Addis Ababa(ANN)- #Coronavirus, oo ah cudurka kasoo bilaabmay Dalka China, isla markaana si weyn looga qayliyay dunida, ayaa dalka Ethiopia lagu arkay ku dhowaad 30 qof oo looga shakiyay inay qabaan cudurka #Coronavirus.


Sida laga soo xigtay Xaruunta dabagalka cudurka Coronavirus ee ee dalka Ethiopia, ayaa sheegtay tan iyo markii uu cudurku ka dilaacay Dalka China, xaruntaa lasoo gaadhsiiyay 29 qof oo cudurka looga shakiyay.

Sidoo kale, Wasaaradda caafimaadka ee Dalka Ethiopia, ayaa shir jaraa’id oo ay qabatay ku sheeacisay in 29-ka qof oo cudurka looga shakiyay lasoo gaadhsiiyay xarunta, kuwaas sida ay Wasaradda Caafimaadku sheegtay dabagal iyo hubin dheeraad ah lagu sameeyay.

Baadhitaan dheeraad ah oo lagu sameeyay 29 qof, kadib waxay wasaaradda Caafimaadka dalka Ethiopia, sheegtay in 14 ka mid ahaa tirada lasoo gaadhsiiyay xarunta laga helay calaamado muujinaya inay qabaan cudurka #Coronavirus. balse warka Wasaradda Caafimaadka, waxay xustay in dadkaa lagu karantiimeeyay meel gar ah, si loola socdo xaalladooda, ilaa inta si rasmi ah loo oggaanayo inay cudurkaasi qabaan iyo in kale.

Saraakiisha Caafimaadka dalka Ethiopia, ayaa sheegay in dadkaa looga shakiyay cudurka dheecaano laga qaaday loo diray dalka oo Koonfur Afrika, si baadhitaan dheeraad ah loogu smaeeyo, isla markaana natiijada baadhitanaada danbe ayaa jawaabtooda lagu oggaaday 8 ka mid ah ay cudurka ka bad qabaan, halka 3-da qof ee soo hadhay natiijada baadhitaankooda weli laga sugayo sheybaadhka loo diray ee Dalka Koonfur Afrika.

Cudurka #Coronavirus. ayaa markii u horaysay lagu arkay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, halkaas oo uu cudurku kasoo bilaabmay, waxaana markiiba dunida oo si weyn uga qaylisay inuu Cudurkaasi ku fido dunida kale muujisay taxadar dheeraad ah, iyadoo dhammaan dadka ka yimaada dalka China la go’aamiyay in goob u gaar ah lagu Karantiimeeyo ilaa inta caafimaadkooda laga hubinayo.

Tan iyo markii la shaaciyay Cudurkan, waxa Dalka China dadka ka imanaya ee dunida kale, lagu samaynayay baadhitaanno ay samaynayaan xirfadlayaal Caafimaad oo aad u tababaran, dalal badan oo dunida ah, ayaa joojiayay inay Diyaaraddahoodu u duulaan Dalka China, kadib markii meelo baddan lagu arkay Cudurka. Balse Dalka Ethiopia, waxay Diyaaraddaha dalkaasi diideen inay joojiyaan duulaadyada dalka China, walaw ay gigada diyaaradaha caalamiga ee Boole ee magaalada Addis Ababa lagu diyaariyey xirfadlayaal qalabkooda u dhammeystiran yahay laanta socdaalkana ay u diyaarisay goob u gaar ah oo loogu adeego dadka dalka Shiinaha ka yimaadda.

Saraakiisha Wasaaradda Caafimaadka ee Dalka Ethiopia, ayaa hore u sheegay in 8-da qof oo looga shakisanaa inay Cudurka Coronavirus qabaan baadhitaanka lagu sameeyey lagu oggaaday in ay ka fayaw yihiin Cudurkaa, kuwaas oo laga saaray goobtii lagu karantiimeeyay oo ay muddo ku jireen.


Cudurka ay dunida ku qaylisay ee Coronvirus, ayaa ku galaaftay gudaha dalkaa ugu yaraan, 724 qof, balse waxa jira warbixino sheegaya inay dhimashadu intaa ka badantahay oo ay jiraan tirooyin dhimasho oo laga helay dhanka gobolka Hubei.

Komishanka Caafimaadka Qaranka Dalka China, ayaa Arbacadii todobaadkan shaaciyay in tiro ka badan 34,958. oo qof oo ku nool dhul-weynaha China uu haleelay cudurka Coronavirus.

Saraakiisha Caafimaadka ee China, ayaa sheegaya in 2, 397 ka mid ah tiradaa ay kasoo kabteen, kadib markii lala tacaalay xaalladooda Caafimaad, Cudurka Coronavirus oo bilaabay inuu si dhakhso ah ugu faafo gobolka oo uu ka gudbo xuduudaha dalka si dhakhso leh, iyada oo kiisaska laga helay Mareykanka, Kanada, Australia, iyo 25 waddan oo Aasiya ku yaal, isla markaana waxa la xaqiijiyay in ugu yaraan 300, oo qof ugu dhinteen Cudurka dalalka ka baxsan China.

Magaalada Wuhan, oo ah caasimada gobolka Hubei, isla marakana ah magaalo ganacsi oo dunida xidhiidh ganacsi la leh, waxa markii la shaaciyay inuu ka dilaacay Cudurku saamayn ku yeeshay dhaqaalaha dalka China iyo ganacsiga China dunida la wadaago oo ay xudun u ahayd magaalada uu kasoo bilaabmay ee Wuhan , arrintan ayaa sababatau in waddamo badan joojiyaan gebi ahaanba in duulimaadyo dhanka cirka ah iyo gaadiidka badeecaddaha qaada ee Badda sida Maraakiibta iyo Doonyuhu uga yimaadaan China, walaw aanay Ethiopia oo ka mid ah dalalka Afrika safka hore kaga jira ganacsiga ay la leeyihiin dalka China aanay arrintan waxba ka bedelin, isla markaana weli diyaaraddaha dalkaasi sii wataan duulimaadyadii ay ku tegayeen iyo kuwii kaga imanayeen China.

Dhinaca kale, dalalka Afrika oo xidhiidh ganacsi oo weyn uga dhexeeyo intooda baddan, ayaa qaarkood laga soo sheegayaa in lagu arkay Cudurka Coronavirus, waxayna arrintan kusoo beegmay, iyadoo Nidaamka Caafimaadka qaaradda Afrika uu marka horeba ahaa mid aad u liita. mana aha kuwo awood iyo tas-hiilaad lagu baadho fayraska haysta. Dhakhaatiirtu waxay horeyba ugu adkaysanayeen dhibaatooyinka Cudurro kale oo dilaa ah, sida duumada, jadeecada iyo Ebola.

Afrika waxay leedahay shaqaale tiro badan oo u dhashay China, kuwaas oo ku soo qulqulaya qaaradda Afrika, iyagoo ka shaqeynaya meelo ay ka mid yihiin warshaddaha iyo teknolojiyadda illaa daryeelka caafimaadka iyo dhismaha. Qiyaasaha tirada dadka China ee hadda ku nool qaaradda Afrika waxay u dhexeeyaan 200,000 illaa iyo illaa laba milyan.

Qaar baddan oo ka mid ah Shaqaalaha China ee ka shaqeeya Afrika, ayaa hadda ku soo laabtay qaaradda Afrika, kadib booqashooyinka ay dalka China ku tageen Sannadka Cusub. Dhanka kale, tiro lagu qiyaasay 81,000 oo Arday Afrikaan ah oo wax ku soo bartay dalka China, ayaa hadda guryahooda kusii jeeda. balse waxa jira dalal badan oo adkaynaya xakameynta safarkooda dhanka China, Ethiopia, ayaa Albaabka u furtay diyaaradeheeda inay sii wadaan duulimaadyada ay ku tegeyaan dalka China iyo kuwii ay kaga imanayeen.

Akhri: Madaxweynaha China Iyo Raysal Wasaaraha Dalkaa Oo Magangalay Masaajidada Muslimiintu Ku Cibaadaysanayeen | Araweelo News Network

Bangiga dhexe ee Shiinaha, ayaa qorshaynaya inuu ku kiciyo 1.2 tiriliyan yuan oo u dhiganta ($ 173.8 bilyan) oo qayb ka ah dhaqaalaha soo gala si loogu taageero dagaalka ka dhanka ah faafitaanka cudurka Coronavirus.